Qaybihii Ka Hadhay Dhanbaalo Nebi Muxamed NNKH u qoray Boqoro Ka Talin Jiray Meelo badan oo Adduunka ah
Hargaysa 26. May 2017 (SDN/QJ):- Waa qaybtii labaad ee qormadii uu Geeska Afrika ku soo koobayey qaar ka mid ah dhambaalladii uu Nebi Muxammed (SCW) u kala diray boqorradii xilligiisii ka talinayey meelo kala duwan oo dunida ah, isaga oo ugu baaqaya diinta Islaamka:
Warqaddii uu Nebi Muxamed u diray boqorkii Masar
Sida ku xusan taariikhda Islaamka Muqawqis waxa uu ahaa boqorkii dadka kiristaanka ah ee Qibdiyiinta loo yaqaanno, waxa aanu dhulka Masar ka talinayey intii ka horreysay markii Muslimiintu ay qabsadeen Masar.
Boqorkani waxa uu ka mid ahaa boqorrada uu Nebi Muxammed (CSW) u diray dhambaallada uu ugu baaqayo in ay rumeeyaan diinta uu Alle u soo dhiibay, isaga oo u ballan qaadaya in haddii ay Muslimaan aanay boqortooyadoodana cidi ugu iman doonin oo ay xilka sii haysanayaan.
Warqadda uu Nebi Muxammed (SCW), u qoray boqorkani waxa ay u dhignayd sidan, “Bisbillaahi Raxmaani Raxiim. .. Ka timid Muxamed Rasuulkii Alle, (SCW). … ku socota Muqawqas, Boqorka Qabdiyiinta: Waxaa badbaaday ciddii hanuunka Alle raacda, intaas kadib. Waxa aan kuugu baaqayaa baaqa Islaamka oo ah, in aad islaamto si aad u badbaaddo, Allaahna ajarkaaga laba jeer kuu siiyo” intaas kadib waxa uu nebigu (SCW) dhambaalkiisan ku xusay aayadda 64aad ee suuradda 3aad ee Qur’aanka Kariimka ah, aayaddaas oo uu Alle kula hadlayo Nebi Muxammed (SCW), isaga oo farriin u faraya qolyaha Ehlu Kitaabka lagu magacaabo oo ah dadkii diimaha hore ee soo degey aaminsanaa oo ah Masiixiyiinta iyo Yuhuudda. Aayaddaas marka aynu si guud u macnayno waxa ay noqonaysaa, “Waxa aad ku tidhaahdaa Ehlu Kitaabka, U kaalay, (Nala wadaaga) Kelmad aynu u simannahay, oo ah in aynaan caabudin cid aan Alle ahayn. In aynaan cibaadadaas cid kale ku Alle ku ladhin. Innaguna (Bani Aadamka) aynaan badhkeenba badhka kale Rabbinimo u sheegan iyo in aynu Alle sokodii is caabudno” Alle (SWT) aayaddan isaga oo sii wada hadalkiisa ku jihaysan Ehlu Kitaabka waxa uu Nebi Muxammed (SCW) u sheegayaa waxa ay tahay in uu sameeyo, haddii ay taladiisaa yeeli waayaan, “Haddii ay dhabarka jeediyaan, waxa aad ku tidhaahdaan, annagu waxa aanu idinka marag dhigaynaa in aanu muslimiin nahay”
Sida ay taariikhaha qaar sheegayaan Muqawqis markii uu warqaddan ka timid Nebi Muxammed (SCW) akhriyey, ayaa waxa uu weydiiyey ninkii siday warqadda oo ahaa Xaadib Bin Abi Baltacah (Alle ha ka raalli ahoodo) oo ka mid ahaa asxaabtii Nebiga, “Haddii ninka ku soo diray uu Nebi yahay, maxaa u diiday in uu habaaro dadka dhulkiisii (Maka) ka bara kiciyey, si uu Alle ugu sallido masiibo?”
Asxaabigii dhambaalka siday waxa uu ku jawaabay, “Oo Maxaa Nebi Ciise (CS) u diiday in uu habaaro kuwii shirqoolka dilkiisa soo maleegay, si Alle ugu sallido waxa ay mutaysteen”
Muqawqis ayaa warkaas aad ugu khushuucay oo waxa uu asxaabihii dhambaal-wadaha ahaa ku yidhi, “Waxa aad tahay nin xikmad badan oo ruux xikmad badan ka yimid”
Muqawqis waxa uu warqaddaas ku qaabilay karaamayn iyo xushmad aad u badan.
In kasta oo sida taariikhda ku sugan aanu Muqawqis muslimin, haddana waxaa ka muuqday dabac badan oo u uu muujiyey Nebiga (SCW), sida ay taariikhaha qaar sheegaanna waxa uu asxaabigii Xaadib soo raaciyey nin dhakhtar ah, oo uu doonayey in uu caafimaad ahaan u caawiyo Nebiga iyo asxaabta, laakiin markii uu ninkaas dhakhtarka ahaa Nebiga u tegey, Nebigu waa uu soo celiyey, isaga oo u sheegay in aanay wax baahi ah u qabin. Taariikhaha qaar waxa ay sheegayaan in nebigu si dadban ninkan ugu sheegay sabab aanu caafimaadkoodu aalaaba u xumaan oo ah, “Waxa aanu nahay qoom, aan cuntada cunin illaa ay gaajoodaan, haddii aanu cunnana ma is dherginno”
Waa qaybtii saddexaad ee qormadii uu Geeska Afrika ku soo koobayey qaar ka mid ah dhambaalladii uu Nebi Muxammed (SCW) u kala diray boqorradii xilligiisii ka talinayey meelo kala duwan oo dunida ah, isaga oo ugu baaqaya diinta Islaamka:
Nejaashi
Asxamaha bin Abxar (Nejaashi) waxa uu ka mid ahaa boqorradii Xabashida, waxa aanu taariikhda Islaamka aad ugu soo shaac baxay sidii fiicnayd ee uu u soo dhoweeyey asxaabtii rashuulka ee inta ay u adkaysan kari waayeen dhibtii tolkood ku hayey, Nebigu u idmay in ay u haajiraan dhulka Xabashida oo uu u sheegay in uu haysto boqor aan agtiisa cidi isku dulmiyin.
Boqorkan oo taariikhaha qaar ugu yeedhaan Armaha waa qofka keliya ee uu Nebi Muxammed (SCW) ku tukaday salaadda jinaasadaha ee lagu tukado maydka meel dheer kaa jira, kadib markii loo xaqiijiyey in uu geeriyooday.
Boqortooyadan Nejaashi waxa ay awooddeeda weyni ka dhisnayd caasimadna u ahaa dhulka hadda ay ku fadhiyaan dalalka Ereteriya iyo woqooyiga Itoobiya gaar ahaan gobalka Tikreega ee dalka Itoobiya, dalka Yemen, Koonfurta Sucuudiga, taariikhaha qaarna soo gaadhsiiyaan dhulka Jabbuuti, woqooyiga Suudaan, Koonfurta Masar iyo Somaliland qaybo ka mid ah gaar ahaan magaalada Saylac.
Boqortooyadan oo lagu magacaabi jiray Aksum, ayaa mid ka mid ah boqorradeedoo oo la odhan jiray Cizaana (Ezana) uu qaatay diinta Kiristaanka, illaa hadda sannad kasta bisha Tobnaad 1-deeda ayaa boqorkaas laga xusaa kaniisadda Ortodhogoska. Laakiin markii la soo gaadhay qarnigii 7aad ee Miilaadiga oo ah markii uu xukunka hayey Nejaashi oo xukunka ku qabtay 9 jir kadib markii adeerkii uu ka dhaxlay, waxa ay Aksum u weecatay dhinaca Islaamka.
Sida uu Sheekha Ibnu Kathiir kitaabkiisa taariikhda ku xusay, waxaa jira warqad uu Nebi Muxamed u diray Nejaashi oo uu soo qaatay asxaabigii Camar Bin Damari, waxa aanu nebigu kala hadlayey boqorka laba arrimood oo midi tahay tii caadada ahayd ee uu boqorrada dunida diinta islaamka ugu baaqayey, tan labaad ee soo korodhayna ay tahay codsi uu boqorka ka codsanayey in uu soo dhoweeyo asxaabtiisa ka soo firdhatay dhulkoodii ee hijrada ugu timid.
Waxa uu Nebi Muxammed warqaddaas ku yidhi, “Waxa aan ku bilaabayaa magaca Allaha naxariista guud iyo ta gaarka ahba leh.
Ka timid: Muxammed ‘Rashuulkii Alle’
Ku socota: Najaashi Al-Asxam boqorka Xabashida
Nabadi korkaaga ha ahaato, (Salaamun Calayka). Waxa aan u mahadnaqayaa boqorka aad u mahadnaqdaan ee Alqudduus, Al-Mu’min Al-muhaymin ka ah (Allaah), waxa aanan qirayaa in Ciise uu yahay Ruuxdii Alle iyo kelmaddii uu ku tuuray Maryam tii ragga ka dheeraatay, daahirka ahayd ee wanaagga iyo dhowrsoonaanta lahayd. Ruuxdaas oo ay ku calool qaadday Ciise oo uu Alle ku abuuray ruuxdiisa uu ku afuufay, sidii uu Nebi Aadamba uu gacantiisa ugu abuuray kadibna ku afuufay ruuxda.
Waxa aan kuugu baaqayaa in aad rumayso Alle oo keliya, cid cibaadada la’la wadaajin karaana aanay jirin; iyo in sokeeye lagu noqdo adeecista Alle. Waxa aan kuugu baaqayaa in aad I raacdo oo aad rumayso nebinimadayda iyo diinta aan wado.
Waxa aan ahay Ergey Alle soo diray, waxa aanan kuu soo diray ina’ adeerkay Jacfar oo ay la socdaan koox muslimiin ahi, haddii ay ku soo gaadhaan deji oo ka dhowr in lagu kibro.
Adiga iyo ciidamadaadaba waxa aan idinku baaqayaa in aad Alle raacdaan, warkaygii iyo taladiiba idin soo gaadhsiiyey, waxa aanan codsanayaa in aad aqbashaan, nabadina ha kor ahaato ciddii hanuunka raacda”
Waa qaybtii afaraad ee qormadii uu Geeska Afrika ku soo koobayey qaar ka mid ah dhambaalladii uu Nebi Muxammed (SCW) u kala diray boqorradii xilligiisii ka talinayey meelo kala duwan oo dunida ah, isaga oo ugu baaqaya diinta Islaamka:
Hiraqal magaciisa oo dhammaystirani waxa uu ahaa Falaafiyuus Ogostos Hiraqa; (Flavius Heraclius Augustus) waxa uu ahaa Imbaraadoor hoggaaminayey Imabaraadooriyaddii weynayd ee loo yaqaannay Byzantium (Bisantiyam), oo ahayd Giriig fadhigeeduna ahaa magaalada hadda Istanbul loo yaqaanno ee dalka Turkiga.
In kasta oo ay taariikhyahannadu ku murmaan halka uu isir ahaan ka soo jeeday Hiraqal haddana taariikhaha ugu badani waxa ay tilmaamayaan in uu ahaa Armaani ahaa, isla markaana ahaa ninka ay ka soo isirantay tafiirtii Hiraqlayaasha ee xukunka haysay tan iyo sannadkii 711 miilaadiga.
Marka dhinaca diinta laga hadlayo waxaa la sheegaa in Hiraqal uu si aad ah u fidiyey masiixiyadda, gaar ahaan in xooggii uu ku lahaa dhul badani sababay in ay diinta Kiristanka qaataan dadkii dhulkaas ee uu u talinayey oo ay ka mid ahaayeen Balkanska dalalka imika la isku yidhaahdo oo ay ku jiraan dalalka Masadooniya iyo Korowaatiya.
Hiraqal waxa uu ka mid ahaa madaxdii Nebi Muxammed (SCW) ay isku xilliyada noqdeen, ee uu Nebigu u diray dhambaallada.
Waxa kale oo ka mid ahaa boqorrada uu Nebigu waraaqahan u diray, boqorkii Beershiya (Furus), Boqorkii la odhan jiray Al-Mundir Bin Saawi oo xarunta daliskiisu ahayd dhulka hadda uu ku fadhiyo dalka Baxrayn, Alxaaris Al-Xumayri oo u talinayey Yemen, Hawdah Al-Xanafi oo Yamaamah haystay iyo boqorro kale oo badan.
Waxyaabaha xusidda mudan waxaa ka mid ah in Nebigu waraaqahan uu u diray Imbaraadoorrada iyo Amiirrada kala duwan, uu mid kasta magaciisa iyo xilkiisa oo sida rasmi ahaan loo yaqaanno ah sheegayey. Waxa kale oo xusid mudan in uu si aad u xikmadaysan ugu sheegayey in muhiimaddu aanay ahayn kursiga uu ku fadhiyo in lagu socdo, oo aanay cidi ugu imanayn talada iyo kursiga, balse keliya uu Nebigu ugu baaqayo in uu diinta Islaamka ee Alle u soo dhiibay rumeeyo.
Waxa uu u sheegayey in haddii uu baaqaas qaato in isaga iyo Imbaraadooriyaddiisuba ay badbaadayaan.
Waxa kale oo uu uga digayey in haddii uu baaqaas Islaamka qaadan waayo uu Alle kala xisaabtamayo dembigiisa oo ah diidmada baaqa Alle iyo dembiga dadka uu hoggaamiyo oo dabcan diinta uu isagu u horseedi lahaa, laakiin diidmadiisu ka hor istaagayso.
Sida Taariikhda ku cad boqorkii beershiya ee Qaysar ama Kisraa, waa uu jeexjeexay warqaddii uu Nebigu u diray isaga oo ku andacoonaya in aanay suurtogal ahayn in addoon ka mid ah raciyaddiisu uu warqadda magaciisa hor qoro, ka boqorkana dambeysiyo, Nebiguna markii loo sheegay waxa uu ku habaaray, “Alle boqortooyadiisa ha jarjaro” waxa aanay taariikhdu qiraysaa in boqortooyadii Kisra si aad u fool xun ku dhammaatay.
Waraaqaha uu Nebi Muxamed u qoray boqorradaas kala duwan waxa ay badankoodu illaa maanta ku kaydsan yihiin Rug Kay doo ku taalla magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, halka nuskhado ka mid ah oo laga sameeyey kuwaa asalka ahaa ay ku kaydsan yihiin carwo ku taalla Madiina oo lagu magacaabo Carwada Rasuulkii Karaamada badnaa.