Qayb ka mid ah Urur Siyaasadeedkii Xaqsoor oo Maanta ku biiray Xisbiga Kulmiye
Hargaysa 05.Dec 2013 (SDN)- Urur siyaasadeedkii xaq soor ee ku hadhay doorashadiii golaha deegaanka ayaa maanta si rasmi ah ugu biiray xisbiga talada dalka haya ee kulmiye
Munaasibad balaadhan oo loo sameeyay midawga urur siyaaasdeedkii xaq soor iyo xisbiga kulmiye oo lagu qabtay huteelka maansoor ee magaaladda hargaysa ayaa waxa kasoo qeyb galay hogaanka sare ee xisbiga kulmiye , marwada madaxweyanaha jsl xildhibaano ka tirsan golayaasha Qaranka, xubno ka mid ah golaha wasiirada , xildhibaanadii golayaasha deegaanka ee ka soo baxay Ururkii Xaqsoor salaadiin iyo marti sharaf kale.
Xog hayaha guud ee xisbiga kulmiye md xasan siciid yuusuf oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay soo dhawayanayaan midawga
Gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga kulmiye md maxamed xaaji yuusuf waabeeye iyo gudoomiye ku xigeenka sedexaad ee xisbiga kulmiye md cabdiraxmaan talyanle oo halkaasi ka hadlay ayaa ku dheerdaay qiimaha iyo faa iidada midawgu u leeyahay bulshada waxaanay intaa ku dareen in mudo gaaban ay isku af garteem masuuliyiinta urur siyaasadeedkii xaqsoor in ay ku midoobaan maantana loo fadhiyo gurshada tacabkii loo galay midawgaasi.
Gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Kumiye md jaamac shabeel oo ka hadlay xaflada ayaa sheegay in si kal iyo laab ah ay u soo dhawayanayaan ururkii xaqsoor waxaanu intaa ku daray in 26 xildhibaan oo doorashadii golayaasha deegaanka u soo baxay urur siyaasadeedkii xaqsoor in maanta ay ka mid noqoqnayaan xisbiga kulmiye.
Eng cabdi qaadir iimaan oo ka mid ahaa gudidii fulinta ee ururkii xaqsoor iyo gudoomiayaha garabka haweenka ee ururkaasi fadxiya muuse ibaarahin oo iyana halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay ku faraxsanyhiin midawga ay la galeen xisbiga kulmiye isla markaana ay la shaqayn doonaan wixii hada ka danbeeya xukuumada.
Wasiirada wasaaradaha cadaalada , ganacsiga , dhalinayarada, xanaanada xoolaha oo dhamaan halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay soo dhawayanayaan urur siyaasadeedkii xaqsoor ee kusoo biiray xisbiga kulmiye iyagoo ku tilmaamay guul u soo hoyatay xisbiga Kulmiye.
Waxaana halkaa heshiika midawga ee labada dhinac ku saxeexay gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga kumiye md maxamed kaahin axmed iyo Md axmed Al Ashcari oo ka wakiil ahaa ururkii xaqsoor.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com