|

“Qaxootiga si khasab ah looguma celinayo Soomaaliya,Waxaanse u baahannahay in aan dhulkeenna ka ilaalino in ay argagixisadu adeegsado” Ekwe Ethuro

Nairobi 17.April 2015 (SDN/QJ)- Xubno ka tirsan golaha senat-ka Kenya ayaa ka soo horjeestay in si khasab ah qaxootiga Soomaalida ee ku jira xeryaha Dhadhaab  loogu celiyo Soomaaliya.

Ekwe-EthuroAfhayeenka senatka Ekwe Ethuro, ayaa sheegay in Kenya aysan xoog ku celin doonin qaxootiga, hase yeeshee ay beesha caalamka kala shaqeyneyso in qaxootiga ay si iskooda ah dalkoodu ugu laabtaan.

Ethuro ayaa sheegay in ay ilaalinayaan shuruucda caalamiga ah, islamarkaana aysan Kenya ku xadgudbi doonin xuquuqda qaxootiga iyo xaqa ay u leeyihiin in ay helaan amni iyo nolol wanaagsan.

Wuxuu sheegay in hannaan sharci ah  loo marayo in qaxootiga Soomaalida ay ku noqdaan dalkooda, iyadoo lagala kaashanayo hay’adda Qaramada Midoobey ee qaxootiga UNHCR.

Ethuro ayaa hadalkan ka sheegay kulan ay yeesheen baarlamaani ah oo ay yeesheen dalalkaharrooyinka waa weyn, kaasoo ku saabsanaa argagixisada iyo ka hortagga khilaafaadyada.

”Dib u celinta qaxootiga waa mid ku timid khatar amniga ee na soo food-saartay. Waxaanse u baahannahay in aan dhulkeenna ka ilaalino in ay argagixisadu adeegsado, balse waa in sidoo kale aan raacnaa sharciga’’, ayuu yiri afhayeenku.

Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto ayaa Sabtidii, sheegay in ay muddo saddex bilood siiyeen UNHCR si ay qaxootiga uga rarto xerada Dhadhaab, haddii ay ku guuldarreysatana ay iyagu celin doonaan.

UNHCR ayaa ku boorrisay Kenya in ay dib u eegto go’aankeeda qaxootiga lagu celinayo oo ay sheegtay in aanay suurtagal aheyn.

Comments are closed