|

Qaxooti Soomaali ah oo wadooyinka Holland seexdaxalay,maxey tahay sababtu?

Den Bosch August 01,2012(SDN)-Qaxooti Soomaaliyeed oo ku nool dalka Holland ayaa dibax ay sameeyeen waxa ay xalay ugu hoydeen wadoonyinka magaalada Den Bosch ee dhacda Koonfurta dalkaasi.

Soomaalida ayaa habeenimadii seexday ka soo horjeedka xafiiska wasiirka Jinsiyadaha iyo soogalootiga.

Soomaalida oo tiradoodu tahay 77 ruux ayaa waxa ay ku guul dareysteen in ay helaan sharciga dalkaasi,oo waxa ay sugayaan in dalkoodii hooyo dib loogu celiyo.

Balse maxkamada diiday in la siiyo sharciga dalkaas ayaase sidoo kale xukuntay in Soomaaliya aaney haatan aheyn dal cidna dib loogu celin karo.

Sidoo kale waxa ay maxkamadu xunuktay in Soomaalida aan xabsiyada lagu sii heyn kareyn,ka dibna xukuumada dalkaasi ayaa geysay Soomaalidii xeryaha Qaxootiga.

Soomaalida Qaxootiga ah ayaa ka cabanaya nolosha xeryaha Qaxootiga oo ay sheegeen in ay kala mid dhigtay denbiileyaasha.

Afhayeenka Wasiirka Jinsiyadaha iyo soogelootiga Holland oo saxaafada uga waramay xaalada Soomaalida ayaa sheegay in Soomaalidu ay xor u yihiin in ay dalkoodii hooyo ku noqdaan.

SDN-Den Bosch

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed