Qaxoontigii ugu Badnaa ee ka soo Cararay Qalalaasaha Yemen oo Soo Gaadhay Dekeda Magaalada Boosaaso
Boosaaso 14.June 2015 (SDN/QJ)- Dawlada iyo dadweynaha reer Puntland ayaa si wada jir ah uso dhoweeyay Markab siday 2,500 oo qof oo Qaxooti Soomaaliyeed ah,kuwaas oo kaso cararay dagaalada ka socda dalka Yaman.
Mas’uuliyiinta Wasaaradda Dekedaha Puntland ayaa maanta hakad u galisay shaqadii ka socotay Dekeda Bosaso soo dhoweynta Qaxootiga soo gaaray Bosaso,xilli ay ku xirnaayeen Maraakiib iyo doonyo shixnado Ganacsi wada.
Qaxootiga soo gaaray Bosaso ayaa loo fidiyay gargaar Caafimaad iyo soo dhowayn balaaran,waxaana la geeyay xerada ay Dawlada Puntland ugu tala gashay Qaxootiga Yaman.
Waxaa la arkayay Ciidamada Puntland oo ka qayb qaadanaya soo dajinta dadka saarnaa Markabka oo isugu jiray Dumar,Carruur iyo dadwaayeel ah.
Wasiirka Wasaaradda Dekedaha,Gaadiidka badda iyo La-dagaalanka Burcadbadeeda Cabdullaahi Jaamac Saalax oo la hadlay Saxaafadda,ayaa sheegay in Markabka soo gaaray Bosaso uu qayg ka yahay Qaxootiga sida isdaba jooga ah uso gaaraya Puntland,waxaana uu xusay in Dawlada iyo dadweynaha reer Puntland ay ka go’an tahay soo dhoweynta walaalahooda kaso qaxaya Yaman.
Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays oo ka mid ahaa Mas’uuliyiinta la hadlay Saxaafadda,ayaa sheegay in Puntland ay mudnaan balaaran siisay qaxootiga Yaman,xilli aysan jirin cid Dawlada iyo dadweynaha reer Puntland ka caawiyay gargaarka ay u fidiyeen walaalahooda kaso qaxaya Yaman.
Marka laga tago soo dhoweynta iyo Gargaarka qaxootiga loogu sameeyay Dekeda Bosaso,ayaa waxaa sido kale ay Dawladu ay dajisay Xero ay ugu talagashay Qaxootiga,taasi oo ay ka helayaan Jiif iyo Cuno,waxaana qof walba loo ambabixinayaa halka uu doonayo.
Illaa bishii April in ka badan 15,000 oo qof oo qaxooti isugu jira Soomaaliya,Yamaniyiin,Itoobiyaan iyo Jabuutiyaan ayaa uso qaxay Puntland.
Boosaaso SDN/QJ