Qaxoonti Soomaali Ah Oo Gaadhay Dalka Kenya Xilli La Qorsheenayo Dib U Celinta 100,000 Oo Qoxoonti Ah.
Kaakuma,23july,2015(QJ/SDN)-Hay’adda Qaxoontiga Adduunka ee UNHCR ayaa sheegtay in labadii asbuuc ee la soo dhaafay qaxooti cusub oo Soomaali ah laga diiwan-galiyay xerada Dhadhaab ,waxaana tiradooda lagu sheegay in ay gaadhayso 3,719 Qof.
Waxaa UNHCR ay sheegtay in waaxda dowladda Kenya u qaabilsan arimaha qaxootiga ay fursad siisay qaxootigan si loo diiwaan-galiyo ,waxaana dadka la qaabilay ay isugu jiraan kuwa dhawaan halkaas tagay iyo kuwa muddo sharci la’aan ku joogay Kenya.
“Si rasmi ah howsha diiwaan-galinta waxaa loo bilaabay 29-kii bisha lixaad ee sannadkan, waxaan diiwaan-galinta laga bilaabay dhamaan kaamamka ay ku xaraysan-yihiin qaxootiga bilowgii bisha bisha todobaad “ ayaa lagu yidhi war ka soo baxay UNHCR.
Qoxootigan la qaabilay ayaa 1,535 ka mid ah lagu sheegay in yihiin magan-galyo raadis, waxaana UNHCR ay sheegtay in qaabilaadda qaxootigan cusub ay sii socon doonto ilaa muddo aan la cayimin.
Xerada Dhadhaab ayaa muddo badan hooy u ahayd qaxooti isugu jira Soomaali iyo ajaanib kale ,kuwaasi oo intooda badan ka soo cararay colaado ka jira wadamadii ay u dhasheen, waxaana Qaramada Midoobay ay ku bixisay malaayiin dollar muddo toban sano gudaheed ah.
Dhinaca kale qaxootiga Soomaalida ah ayaa wali dalbanaya in dib loogu celiyo Somalia, iyadoo dalka uu ka soo kabsanayo colaado iyo dagaalo sokeeye oo uu ku soo jiray muddo ka badan 20-sano.
Ugu dambeyn, hay’adda UNHCR ayaa sheegtay in si iskood ah dib loogu celiyay Somalia qaxooti gaaraya 2,840 qof, iyadoo Kenya ay Qorshaynaysaa inay 100,000 oo Qaxooti ah dib loo celin doono Somalia Dhammaadka Sannadkan.