Qatar oo Sheegtay in aan Laga saari karin Golaha Iskaashiga Khaliijka
London 06. July 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Arimaha Dibada ee Dalka Qatar Maxamed Cabdiraxmaan Al-Thani oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada London oo uu booqasho ku joogo ayaa waxa uu ku celiyey in Dawladiisu aanay marnaba uga tanaasulayn madaxbanaanideeda si loo dhameeyo xiisada Gobolka ka taagan.
Maxamed Al-Thani oo ka hadlayey aqalka Chattem House ee Magaalada London oo uu khudbad ka jeediyey ayaa waxa uu sheegay in Qatar sii wadayso dadaalkeeda ku aaddan in xal nabadgelyo iyo wadahadal lagu dhameeyo dhibaatada haatan ka aloosan gobolka Khaliijka, halka sidoo kalena uu wasiirku iska fogeeyey in Qatar laga saaro golaha iskaashiga Khaliijka maadaama go’aanka noocaas ahi u baahan yahay in aqlabiyada dalalka Golahu isku raacaan.
Ismaandhaafka soo Kala Dhexgalay Dalalka Gacanka Cadmeed ayaa Noqonayaa Kii ugu Weynaa ee Soo Kala Dhex Gala Mudo Nusqarni Iyo Dheeraad ah oo Heerkaas gaadhsiisan.