|

Qatar oo Muujisay Diblumaasiyad, Waqtigan adagna Martigelisay Shir Caalami ah,Muxuu Shirkani Ka Bedelayaa Xayiraadii la Saaray?

Doha 16. June 2017 (SDN/QJ):- Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Dalka Qatar ayaa shalay waxa ay martigelisay kulankii tobnaad ee dalalka taageerada ka gaysta xalinta dhibaatada Suuriya, waana xilli ay dalkaasi saaran tahay cunoqbatayn dhaqaale oo dhinacyada badda, beriga iyo hawadaba ah, taasoo ay saareen dalalka la deriska ah ee Sucuudiga, Imaaraatka iyo Baxreyn oo xidhiidhkoodii diblumaasi u jaray 10 maalmood ka hor.

Axmed Bin Xasan Al Xamaadi, Agaasimaha guud ee wasaaradda Arimaha Dibada ee Dalka Qatar oo shirkaa furay waxa uu sheegay in martigelinta Qatar ee shirkan ay martigelisay xiligan duruufaha adagi jiraan ay markhaati ka tahay sida ay Qatar uga go’an tahay xal u helidda mushkilada shacabka Suuriya, mushkiladaa oo uu ku tilmaamay mid xalkeedu yahay inay shacabka Suuriya helaan xuquuqdoodii ay qiimaha naftooda ku bixiyeen.

 

Taageerada ay Qatar siisay shacabka suuriya ayaa gaadhaysa ilaa 2 Bilion oo Doolar tan iyo markii ay xiisadaha colaadeed dalkaa ka bilaabmeen muddo todoba sanadood laga joogo, waxana ka soo qaybgalayaashu shirkan kaga dhawaaqeen taageerooyin kala duwan oo la gaadhsiinayo shacabweynaha Dalkaasi suuriya.

Comments are closed