Qareenkii Dhawaan Guurka Ka Dalbaday Gabadha Madaxweyne Obama Dhalay Oo Diinta Islaamka Qaatay
Nairobi:Jully,16,2015(SDN/QJ)-Felix Kiprono oo ah qareen u dhashay dalka Kenya oo dhawaan shaaciyey inuu Guur ka damacsan yahay Gabadha curad ee uu madaxweyne Obamaha Maraykanku dhalay, isla-markaana soo bandhigay yarad xoolo nool ahaa oo aad u xiiso badnaa, ayaa shaaciyey inuu qaatay diinta islaamka.
Felix Kiprono Matagei,oo aduunka caan ka noqda kadib markii uu ku dalbaday gabadha Madaxweynaha Mareykanka 50 Lo ah, 70-laxaad iyo 30-riyo ah ayaa qaatay diinta islaamka, waxana arrintaas si weyn indhaha ugu haya muslmiinta oo dhan.
“Waxaan qaatay diinta islaamka sanadkii 2012 gudaha masjidka Nairobi kuyaal ee Jamia Mosque kadib markii saaxiibadey ay wax badan iga tustay diinta, ilaa markaasna waxaan ahaa Muslim”ayuu Wiilkan usheegay Citizen oo laga leeyahay Kenya.
“Gabadhaas waxey laheyd qalbi wanaagsan, waxaana ay ka shaqeysay sidii ay iigu qancin lahayd inaan qaato diinta islaamka, waana yeelay fikirka aan isku badalay”. Ayuu hadalkiisa ku daray.
Qareenkan ayaa sheegay in muddo saddex sano ah ay ku qaadatay inuu bulshada usoo shaaciyo inuu qaatay diinta islaamka maadaama uu xiligaas baranayay diinta Islaamka.
“Waxaan qaatay ashahaadada ilaa sanadkii 2012, mana dooneyn inuu hadalkan iga baxo ilaa aan dhameeyo waxbarashada, hada saddex bil kaliya ayaa iiga hadhsan inaan dhameeyo fasalka, waa inaan shaaciyaa diinta aan haysto ee runta ah”.ayuu yidhi Adnan.
Wiilkan oo horey loo oran jiray Kiprono ayaa sheegay in hada magaciisa uu yahay Adnan, magacan ayuu kasoo qaatay mid kamid ah qabiiladii dagi jiray bariga dhexe kana mid ahaa Qureysh.
“Magaceyga Waa Adnan”ayuu yidhi qareenka oo hadalkiisa ku daray “Waan soomey ilaa markii aan diinta islaamka qaatay, sababtoo ah waa diinteyda, sidoo kale waxaan si wanaagsan ubartay quraanka maadaama uu yahay nolsoheyda islaamka.”
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com