Qareen Dacwad layaab leh kusoo oogaya Shirkada Emirates Airlines
Hargaysa 13.October 2016 (SDN/QJ):-Qareen lagu magacaabo Giorgio Destro , oo u dhashay dalka Talyaaniga ayaa sheegay in uu dacwad kusoo oogayo Shirkadaha Diyaaradaha Emirates Airlines, kadib markii ay shirkada ka diiday in ay magdhaw siiso.
Giorgio Destro ayaa sheegay in uu dhibaato xoogan kala kulmay safar uu ku raacay diyaarada Emirates Airlines, kadib markii kursiga uu fadhiyay uu lasoo fadhiistay nin aad u buuran , waxa uuna sheegay in uu dhbaato badan kala kulmay ninkaasi buuran ee lala fadhiisiyay.
Waxa uu sheegay in Kursiga inta uu fadhiyay uu cariiri badan dareemayay uuna ku caburmay, waxa uuna intaa raaciyay intii diyaaradaha safarka ku ahaa oo qaadatay sagaal saacadood ay ku adkaatay in uu si saani ah kursigiisa u fadhiyo kuna raaxeesto.
Diyaarada Emirates Airlines uu la socday qareenkan ayaa ka duushay magaalada Cape Town ee dalka Koonfurta Afrika, waxa ayna kusii jeeday magaaladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, waxa uuna qareenka tilnaamay in safarkan uu ahaa mid dhibaato badan ku abuuray.
Qareenkan ayaa ka dalbaday shirkada diyaaradaha Emirates Airlines in ay siiso magdhaw, waxa uuna ka dalbaday magdhaw dhan €2759.51, in loo soo celiyo €759.51 oo ah Tikidhka Duullimaadka maadama safarkaasi uusan ku raaxeesan iyo €2,000 oo ah Khasaarihii isaga soo gaaray.
Shirkada Diyaaradaha Emirates Airlines ayaa ka dhago adeegtay codsigan macmiilkan ku dhibtootay duulimaad uu diyaaradooda ku raacay, waxa ayna Diyaarada meesha ka saartay in ay wax magdhaw ah siineyso Qareenkan dacwada kusoo oogaya.