|

Qaraxyo Xalay ka dhacay Muqdisho

Muqdisho September 07, 2024(QJ) -Qaraxyo xooggan ayaa caawa laga maqlay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, iyadoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan qaraxyada.

Goobaha qaraxyada laga maqlay ayaa waxaa ka mid ah degmooyinka Xamar Weyne, Boondheere, Warta Nabadda, iyo Yaaqshiid, iyadoo wararkii ugu horeeyay ay sheegayaan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaafiicdaasi ay sababeen qaraxyada, halka laamaha ammaanka ay sheegayaan in qaraxyadan ay ahaayeen kuwa guruub ah oo la doonayay in lagu qalqal geliyo.

Qaraxyada ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhaceen guryo ku yaala xaafada ay dadku ku badan yihiin ee degmada Xamar Weyne gaar ahaan agagaarka Isbitaalka Hooyooyinka.

Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya burbur xooggan oo soo gaaray guryo dhowr ah, inkastoo ilaa hadda aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Ciidamada ammaanka ayaa wada dadaalo ay ku baadigoobayaan halka laga soo tuuray hoobiyeyaashan oo la rumeysan yahay inay soo tuureen Al-Shabaab oo caan ku ah weerarada noocaan oo kale ah.

Leave a Reply