|

Qaraxyo dad kabaan 40-ruux ay ku geeriyoodeen oo ka dhacay dalka Turkiga

Reyhanli May 12 2013 (SDN)– Ugu yaraan 43-qof ayaa ku geeriyootay Lanp qara oo gawaari loo adeegsaday oo ka dhacay Magaalada Reyhanli oo kutaalla xadka dalka Turkiga uu la leeyahay wadan rabashaduhu ka jiraan ee Syria.

Saraakiisha Amaanka dalka Turkiga ayaa sheegay in qaraxyadu ay haayeen kuwo xoogan kuwaasi oo la doonayay in lagu carqaladeeyo Amaanka dalkaasi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Turkiga oo ku sugan Barliin oo la hadaly warbaahinta ayaa sheegay in Turkigu uu qaadayo talaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo Amaanka dalka.

Ahmet Davutoglu ayaa tilmaamay in qaraxyadan laga soo abaabulay dalka Syria madaama dowlada Turkigu ay taagerto Mucaaradka wadanka Syria.

Maraykanka iyo NATO ayaa canbaareeyay qaraxyadaasi waxaana ay muujiyeen in ay taageerayaan Xukuumada Ankara.

SDN-Reyhanli

Comments are closed