|

Qaraxyo lala beegsaday guryo shacab oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (QJ) – Ugu yaraan todobo qarax ayaa caawa laga maqlay xaafado ku yaala duleedka koonfureed ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxyadan ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Qaraxyadan ayaa ka dhashay miinooyin lagu xiray guryo iyo dhismayaal ku yaalla xaafadda Galmudug, kuwaasoo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ka dhacayay jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye.

Qaraxyadan oo markii hore loo maleynayay in ay ahaayeen madaafiic ayaa laga maqlay dhul ballaaran.

Qaar ka mid ah miinada ayaa ku qaraxday guryo la daganaa oo ku yaala xaafadaasi, waxaana la sheegay inay ku dhaawacmeen ugu yaraan afar qof oo ay ku jiraan caruur.

Wararka ayaa sheegaya in dhismayaal kale oo ka soo horjeeda Masjidka Afarta Minaaraad ay ku jiraan miinooyin aan wali qarxin, kuwaasi oo ku xayiran dadka deegaanka.

Ciidamo isugu jira Nabad Sugid iyo Bambaanooyin ka tirsan Dowladda Federaalka oo goobta gaaray ayaa xiray Wadooyinka gala Guryaha ku yaalla Xaafadaasi, iyagoo ku howlan sidii ay wax uga qaban lahaayeen Miinooyinka aan weli qarxin.

Dhacdooyinka noocaan oo kale ah ee miinooyinka lagu xiro guryaha ayaa ah kuwo ku cusub dadka reer Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn ujeedada iyo sababta ka dambeysa in guryahaasi la dajiyo.

Comments are closed