|

Qaraxyo Abaabulan Oo Habeenkii Xalay Ruxay Caasimadda muqdisho

Muqdisho:5-Sep-2013(SDN)-Habeenkii Xalay waxa qaybo ka mid ah magaalada muqdisho gilgilay qaraxyo is xig-xiga oo u badnaa bambooyinka gacanta laga tuuro, taas oo in muddo ah waxoogaa laga nastay.

qarxayQaraxyadaas mid ka mid ah ayaa lala eegtay ciidamo ku sugnaa wajahadda hore wasaaradda arrimaha Gudaha, halkaas oo aan ilaa iyo hadda la sheegin shasaaraha rasmiga ah ee goobtaas gaadhay.

wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya  ayaa waxa ay ku taalla Isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho, waana goob ammaankeeda si aad ah loo ilaaliyo ciidamo xoogganina waa ay ku sugan yihiin.

 

Waxaa ka danbeeyay qaraxaasi howl-gallo ay sameynayaan ciidamada dowlada Soomaaliya oo lagu baacsanaayo ragii ka danbeeyay weerarkaasi, hase yeeshee wali lama sheegin cid si rasmi ah loo qabtay, iyadoo shacabkana wararkoodu uu sii badanayo.

 

Qarax kale ayaa isna ka dhacay agagaarka Isgooska Sayidka meel aan ka fogeyn guriga uu dagan yahay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed , waxaana qaraxaasi goob joogayaal sheegeen in uu ahaa bambada gacanta laga tuuro iyana lama oga qasaaraha qaraxaasi ka dhashay.

 

Qaraxyo kale ayaa iyana  ka dhacay , qeybo kamid ah Suuqa Bakaaraha , Xaafada Buulo Xuubey , Isgoyska KPP , Isgoyska Danwadaagaha iyo qeybo kale oo badan oo katirsan Magaalada Muqdisho .

Weeraradan habeenkii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo kuwo abaabulan oo laga soo shaqeeyey, ayaa waxa ay khal khal iyo warwar ku rideen dadka ku nool magaalada muqdisho oo in muddo ah ka nastay weerrarada habeenkii dhaca, waxana heegan la geliyey ciidamada dawladda eek u sugan agagaarka caasimada muqdisho.

 

 Somalidiasporanews.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed