|

“Qaraxyadan waxaad moodaa khilaafkii xisbiga KULMIYE Inay ka soo baxday” Wasiir Warancade Daawo

Hargaysa 30.May 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland  Cali Maxamed Waran-cadde ayaa shaaca ka qaaday in xalay gurigiisa laga soo xidhay Wasiir Ku xigeenkii hore ee Amniga Cabdilaahi Abokor iyo saddex qof oo rayid ah oo hubaysan oo ilaaladiisa ka mid ahaa, ka dib markii uu Wasiirro dawladda ka tirsan ku eedeeyay inay ku jiraan ururo diimeed oo ahdaaf gurracan wata.

Wasiirka Daakhiligu waxa kale oo uu ka hadlay walaxo qarax leh oo labadii habeen ee u dambeeyay la dhigay goobo kala duwan oo ku yaalla caasimadda Hargeysa.

 

 

WARANCADE IYO TALIYAHAWasiir Waran-cadde oo ka hadlayay xadhiga Wasiir Ku xigeenkii hore ee Amniga waxa uu yidhi “Walaahay aad baan uga xumahay Wasiir Ku xigeenkaygii buu ahaa muddo ayaanu wada shaqaynay, kamanaan filayn in afcaal noocan oo kale ahi ay ka suurtoobi karayaan. Dalkan iyo ummad gobonimadeedii  la soo noqotay muddo oo caalamkana ictiraaf ka sugaysa. Markaa arrimo uu baahiyay Wasiir Ku xigeenkii hore ee Amniga  oo dalkanna khal-khal iyo sumcad xumo u soo jiidi kara Somaliland ayuu meelo bandanna uu ka baahiyay . Markii la is yidhi wax ka weydiiya waxan uu ogyahay ee aanaan ogayn, markaana waxa uu sameeyay iska cabin iyo inuu dagaal kala hor yimaado ciidammadda amniga ee wax weydiin lahaa.”

 

“Wadanka sharci baa u yaalla ha weynaado ama ha yaraado, nin kasta  oo ka horyimaada sharciga iyo deganaanshaha iyo nabad gelyadda qaranka sharciga ayaa ka weyn,”ayuu yidhi Wasiirka Daakhiliga.

Wasiir Waran-cadde oo ka hadlayay walxo qarxa oo labadii habeen ee u dambeeyay Hargeysa laga maqlay kuwaasi oo aan wax khasaare ah geysan, waxaanu  la xidhiidhay khilaafka ka taagan xisbiga KULMIYE, waxaanu yidhi “Qaraxyadaasi waxay ahaayeen  bahal yar oo shaani la yidhaahdo oo gacanta lagu sameeyo oo sida rashka oo kale qarax leh oo dadka u dhowi ay maqli karaan. Laba meelood ayaanna la dhigay.”

 

Wasiir Waran-cadde waxa uu sheegay inuu ka xun yahay in rag waaweyni ay fuliyaan arrimo dhaawici kara nabad-gelyadda qaranka, waxaanu yidhi “Arrintaasi oo aanu aad uga xun nahay oo aan ahayn cadow dibadda nagaga yimid, hase yeeshee aad moodo khilaafkii xisbiga KULMIYE daahirad ka soo baxday inay tahay taasi oo aan aad ula yaaban nahay in rag waaweyn oo masuuliyiin ahi halkii maamulka la isku hayay inay gaadhaan inay dadkooda iyo dalkooda wax argagax geliya ama  nabad-gelyaddaba waxyeeleynaya. Markaa waxaan ugu baaqayaa ragga  waxan ka dambeeyaa inay deg deg uga waantoobaan si aanay ugu imanin dhibaato naftooda iyo mustaqbalkoodaba saameysa.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed