|

Qaraxii Labaad Oo Xalay Hargeysa Ka Dhacay iyo Taliyaha Booliska Oo Kii Hore u Macneeyey Qaab Bulshadu Ku Jaahwareertay

Hargeya:May,30,2014(SDN/QJ)-Waxa Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland muddo 24-saacadood ah ka dhacay Qarax aan la sheegin cid wax ku  noqotay, kaas oo ka dhacay Agagaarka wasaaradda Caddaalada.

ina fadalQaraxan oo dayaankiisa laga maqlayey Meelo badan oo caasimadda ka mid ah ayaa wax aka horeeyyey mid kale oo habeen hore badhtamahha caasimadda ka dhacay, kaas oo aan isagana cid wax ku noqotay aanay jirin.

Taliyaha ciidanka booliska Somaliland Cadbilaahi Fadal Iimaan oo ka hadlay midka hore ayaa  uga warramay si aan la fahmi Karin, isagoo ku tilmaamay waxa qarxay Shaani kaas oo bulshadu ay ku jaahwareereen waxa uu ula jeedo.

Taliye Fadal oo ka masuul ah ammaanka caasimadda, ayaan si waadix ah Bulshada ugu sheegin waxa qarxay waxa uu u ahaa, waxana ka muuqatay in isaga laftiisu aanu fahmin aalada Meesha lagu qarxiyey.

Qaraxa labaad oo ahaa mid dayaan badan lahaa, ayaa waxa uu keenay in xalay caasimadda dhexdeeda Baabuurta loo diido inay isticmaalaan, iyadoo dadka laga rogayey  isla-markaana baabuurtu keenayaasha magaalada Marayeen.

Qaraxyadan ku soo kordhay caasimadda, ayaa shacabka ku beeray baqdin iyo walaac la xidhiidha amaanka guud ee dalka, waxana ay  si weyn u hadal  hayaan sababaha keenaya qaraxyadan soo kordhaya.

Somaliland ayaa toddobaadkii labaad ku jirta qalasaase siyaasadeed oo ka dhex qarxay xisbiga talada Haya ee Kulmiye, iyadoo xukuumadduna diidday ku hawlan dagaal iyo hujuum ka dhan ah Guddoomiyaha kulmiye iyo cidda taageersanba.

Xaaladda kacsan ee xisbiga kulmiye dhexdiisa ayaa saamayn ballaadhan ku yeelatay niyad-wanaaggii iyo yididiiladii Bulshada, waxana jira cabsi ah in Qalaalasahan haatan madaxtooyada iyo kulmiye ku koobani uu u gudbo Qaranka.

Khilaafka ayaa Haatan ku faafay Gobolada iyo Degmooyinka Dalka, waxana maalintii shalay Mudaharaad ka dhacay Magaalada Berbera, halkaas oo lagu xidhxidhay Dad Taageersanaa Guddoomiye Muuse Biixi, waxana la filayaa inay Gobollo kale oo Somaliland ka mid ay ka dhacaaan Mudaraharaado lagu muujinayo Musharaxnimaddiiisa.

 

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed