|

Qaraxii Hutel Jaziira Oo Sabab u Noqday In Qaramada Midoobay Muddo-kordhin u Sameeyaan Hawlgalllada AMISOM Ku Joogaan Gudaha Somalia

New York:Jully,30,2015(SDN/QJ)-Waddamada xubnaha Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, ayaa cod ku meelmariyey in muddo-kordhin loo sameeyo Hawlgalka Qaramada midoobay ee Taageerada Somalia(UNSOM) iyo Hawlgalka kale ee Ciiddanka Nabad-ilaalinta Afrikaanka ee ku sugan Somalia (AMISOM).

kuroQaraar ka soo baxay Kulan ay Xalay ka yeesheen Arrimaha dalka Somalia ayey isku raaaceen in Hawlgalka Taageeradda QM ee Somalia (UNSOM) loo kordhiyey Xilligoodaa ilaa bisha Maarso 30-da ee sannadka2016-ka, si ay gacan uga geystaan dadaalka Siyaasadeed ee Somalia.

Qaraarka Golaha Ammaanka ee QM waxaa kaloo lagu muujiyey in Hawlgalka Nabad-ilaaalinta AMISOM loo kordhiyey xilliga hawlgalkooda oo ku ekaan doona bisha May 30-da ee sannadkasoo socda ee 2016-ka.

Warkan oo aan ka soo xiganay Xarunta Wararka QM ee UN News Center ee magaalladda New York ayaa lagu sheegay in Xilli-kordhintaAMISOM timid, kadib, weerarkii Is-qarxintaa ee ay Dagaalamayaasha Alshabaab dhawaan ka geysteen Hotelka Jaziira, kuna geeriyoodeen Tobaneeyo qof.

Dhinaca kale, Golaha Ammaanka ee QM waxay Qaraarkooda ku sheegeen inay isku waafaqeen inaan Ciiddamo Nabad-ilaalin ah oo ka socda QM xilligan loo soo diri Karin Somalia, marka la eego Xaallada hataagan.

Goluhu waxay tilmaameen in aanay suurtogal ahayn in Ciiddankaasi la soo diro ilaa laga gaadhayo dhamaadka sannadka soo socda ee 2016-ka.

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM, Edmond Mulet ayaa dhawaan u sheegay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM haddii xilligan Ciiddamo QM oo Nabad-ilaalin ah loo diro Somalia ay khatar xooggan kala kulmi karaan Alshabaab.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed