|

qarax xooggan oo lala eegtay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Somaliya

 

OLYMPUS DIGITAL CAMERAmugdisho 24-july-2013 (SDN)Mid ka mid ah Baabuurta Raaxadda oo uu watay xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka somaliya, ayaa ku qarxay badhtamaha Suuqa xamar weyne ka dib makii si qarsoodi ah loogu xidhay miino.

Gaadhigan oo xilligii qaraxu haleelay dhex taagnaa waddada Via Egito ee suuqa xamar-weyne ee Gobolka Banaadir, ayaa wakhtigaa ka degeen labadii xildhibaan ee markii hore saarnaa oo midkood ahaa mulkiilihii gaadhiga, iyadoo darawalkii Gaadhigan oo markaa ku dhex sugnaana uu six un ugu dhaawacmay.

 

Ciidamo ka tirsan dowlada Somalia ayaa halkaas gaadhay, iyagoo baadhitaano wada, iyadoo sidoo kale ay goobta gaadheen gadiidka gurmadka deg deg ah ee ambalaaska oo daad gureynaya dad shacab ah oo dhaawacyo ay ka soo gaadheen qaraxaas, iyagoo geynaya isbitaalada iyadoo khasaaraha illaa hadda aan si dhab ah loo ogeyn, kooxaha deb damiska ayaana sidoo kale halkaas gaadhay.

 

Lama oga illaa hadda alka qaraxaas lala beegsanayey, iyadoo warar iskhilaafsan ay ka soo baxayaan, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in gaadhiga qarxay uu ahaa mid miinada lagu xidhay uuna lahaa xildhibaan.

 

Wararku waxay sheegayaan iney meesha daadsan yihiin hilbo googo’ay oo u badan dad muruqmaal ahaa oo ku sugnaa goobta uu gaadhigaas ku qarxay.

 

Wararkii ugu dambeeyey ee soo baxa, ayaa sheegaya gaadhiga qarxay oo noociisu ahaa kan raaxada ay uu wadada Via-Eggito ku sugayey labo xildhibaan oo ka tirsan baarlamanka Somalia oo markii hore la socday, kuwaasoo galay suuqa Xamar weyne, waxaana gaadhiga oo loo maleynayo in loogu xidhay miino uu qarxay iyagoo ka maqan,  xildhibaanka la sheegay inuu gaadhiga lahaa ayaa magaciisa la yidhaahdaa Shiikh Aadan Madeer, waxaana la xaqiijiyey iney ka badbaadeen qaraxaas isaga iyo xildhibaankii kaleba.

 

 

SOMALIDIASPORANEWS.COM

MUGADISHO  OFFICE.

Comments are closed