|

Qarax Xooggan Oo Ka Dhacay Magaalada Baardheere ee Gobolka Galgaduud

Baardheere:Sep,15.2015(SDN/QJ)-Kolonyo Gaadiid ah oo ay lahaayeen Ciidamada Dawladda Federalka Somalia, ayaa goor dhaweyd qarax lagula eegtay magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

qaraxSaalim Maxa’ed Cusmaan, oo kamid ah Saraakiisha Ciidanka Dowladda ayaa u xaqiijiyay warbaahinta qaarkamid ah in Qaraxa uu ahaa mid loo adeegsaday Miinada Dhulka lagu aaso, taasi oo ka dhacday Suuqa Balka ee Degmada Baardheere.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Hal Askari oo Ciidan DFS uu ku geeriyooday, kaasi oo isagoo isku dayay inuu Miinada Wadada ka saaro la qaraxday.

Dhawaqa Qaraxa ayaa ahaa mid si weyn looga maqlayay Guud ahaan Degmada Baardheere, iyadoo Ciidanka Qaraxa kadib ay qabteen ku dhawaad 50 Ruux oo looga shakiyay Weerarka.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed