Qarax Wajeer ka dhacay oo lix ruux ay ku dhaawacantay
Wajeer Dec 25,2011(qurbejoog.com)-Qarax shalay ka dhacay magaalada Wajeer goob maqaaxi ah ayaa waxa ku geeriyooday ilaa lix ruux oo halkaa ku sugnaa.
Waa qaraxii u danbeeyay ee ka dhaca guddaha dalkaasi intii ay dawlada Kenya ciidamadeed u dirtay guddaha dalka Soomaaliya.
Qaraxan oo uu saxaafada u xaqiijiyay mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Booliska oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa sidoo kale xaqiijiyay in aaney jirin cid loo qabtay falkaasi.
Qaraxyada ayaa inta badan lala beegsadaa degaanada ku dhaw xadka Kenya la wadaagto Soomaaliya.
Qurbejoog-Wajeer