Qarax qasaaro geystay oo ka dhacay Baladweyne iyo Ciidamada AMISOM oo ka hadlay
Baladweyne April 16 2013 (SDN)— Qaraxani oo ahaa bambaanada nooca gacanta laga tuuro ayaa lagu weeraray ciidamo ka tirsan kuwa Jabuuti ee ku sugan magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan,xilli ay marayeen bartamaha Suuqa magaalada Beladweyne.
Taliyaha ciidamada Jabuuti ee Gobalka Hiiraan Cismaan Dubad oo Warbaahinta ayaa uxaqiijiyay inuu dhacay qaraxani dadka ku dhaawacmay ay yihiin dad shacab ah.
Taliye Dubad ayaa sheegay in dadka dhaawacmay ay yihiin labo ruux oo shacab ah kana agdhawaa goobta qaraxa uu ka dhacay.
Qaraxa ayaa wuxuu saameyn ku yeeshay ganacsiga suuqa Magaalada Beladweyne mana jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxaasi.
SDN-Baladweyne