Qarax Miino oo qasaaro u gaystay Ciidamada Kenyan ah oo ka dhacay Xagar-dheer
Xagar-dheer Dec 19,2011(qurbejoog.com)- Ciidamada booliska Kenya ayaa qarax miino oo qasaaro gaystay waxaa lagula eegtay Xerada Xagar-dheere ee dalka Kenya.
Inta la’ogyahay 3-ruux oo ka tirasnaa Ciidamada booliska dowladda Kenya ayaa ku geeriyooday 1-kalana wuu ku dhaawacmay kadib markii maanta qarax miino oo ah nuuca laga hago Rimuud Kontorolka lagula eegtay Xerada Xagar-dheer ee Woqooyi bari dalka Kenya.
Goobjoogayaal ku sugan halkaasi ayaa waxa u sheegeen Website-ka Somalidiasporanews.com in Ciidamada Kenya lala eegtay qarax xoogan, waxaana ay sheegeen in sidoo kale gaarigii ay wateen guud ahaan uu ku burburay qaraxaasi.
“ Haa qarax wuxu ahaa mid xoogan, Ciidamada Kenya ayaa lala eegtay, Xerada Xagar-dheer ayay aheyd meesha, waxaan arkay 3-askari oo dhimatay oo gaariga hoostiisa laga soo bixinaayo iyo hal dhaawac ah” sidaasi waxaa yiri goobjooge ku sugnaa halkaasi.
Sidoo kale Ciidamada Kenya ayaa halkaasi waxa ay ka bilaabeen howlgallo xoogan oo saameyn ku yeeshey Soomaalida ku sugan halkaasi, waxaana ilaa iyo iminka aan la’ogayn cidda ka qaraxaasi inkastoo loo badinayo inay ka dambeeyaan Al Shabaab.
Sidoo kale majiro Saraakiil ka tirsan dowladda Kenya oo faah faahin ka bixisay qaraxaasi maadaama la sheegay in wali ay ku mashquulsanyihiin qaraxa Ciidamadoodu lagula eegtay Xerada Xagar-dheer ee Wooqoyi bari dalka Kenya.
Al Shabaab ayaa marar badan Ciidamada Kenya ee gudaha usoo galay Soomaaliy waxa ay la eegteen qaraxyo badan oo qasaaro u gaystay Ciidamadaasi, iyadoo Kenyana ay shaaca ka qaaday in marna aysan ka laaban doonin go’aankoodii ahaa inay baabi’iyaan Al Shabaab.
Wixii faah faahin ee kasoo baxa qaraxaasi kala soco Webiste-ka Somalidiasporanews.com Hadii Alle Idmo
Qurbejoog-Xagardheer