Qarax Miino Oo Lala Eegtay Ciidamo Ka Tiran Kuwa Axmed Madoobe Oo Ku Sugnaa Kismayo
Kismayo:july,12,2014(SDN/QJ)-Gaadiid ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Jubba Land ayaa Saaka loo dhigay Qarax Miino xilli ay marayeen Gudaha Magaalada Kismayo.
Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Qaraxa uu ahaa miino dhulka lagu aasay lagana hago ramuudka oo sababtay dhimasho iyo dhawac soo gaaray Ciidamadii saarnaa Gaariga tikniko ah oo ay ciidamadu wateen.
Qaraxa kadib ayaa la sheegayaa in halkaasi ay soo gaadheen Ciidamo kale oo ka tirsanaa Jubba Lanad kuwaasi oo xidhay wadada islamarkaana goobta ka qaaday Meydad iyo dhawacyo ka dhashay Qaraxa, sida uu noo xaqiijiyay mid kamid ah dadka Deegaanka oo intaa ku daray in islamarkiiba ay halkaasi Ciidamadu ka sameeyen Baadhitaano ay dad badan kusoo qabqabteen.
Dhanka kale, Saraakiisha Ammaanka ayaa ka gaabsaday inay ka warbixiyaan sababta ka dambeysay Miinada, waxa ayna sheegen in baadhitaano lagu xaqiijinaayo Ammaanka laguna baadi-goobayo dadkii ka dambeeyay miinadaasi ay wadaan.
Ma aha markii ugu horeysay oo miino dhulka lagu aasay ku waxyeeloobaan Ciidamada Jubba Land, mana jirto cid faah-faahin dheeri ah ka bixisay
SDN/QJ