|

Qarax Maanta ka dhacay Suuq ku yaalla Baqdaad oo ay ku Geeriyoodeen in ka badan 67 Ruux

Baqdaad,13Aug,2015(QJ/SDN)-Ugu yaraan 67 Ruux ayaa ku Geeriyooday tiro ka badan 152-qof oo kalena way ku Dhaawacmeen, Qarax weyn oo Maanta lala Beegsaday Suuq ku yaalla xaafad ay dadka Shiicada ahi degaan oo ku yaalla Bartamaha Magaalada Baqdaad ee Xarunta Dalka Ciraaq.

 Qarax_ka_dhacay_Suuq_ku_yaalla_Baqdaad_660

Weerarkan oo loo Adeegsaday Baabuur Waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxaa Sheegatay Mas’uuliyaddiisa Kooxda Daacish ee ka dagaalanta Ciraaq iyo Suuraiya, iyagoo ku Goodisay inay sii wadi doonto Qaraxyada noocan oo kale ah.

 

Saraakiil ka tirsan booliiska Ciraaq ayaa Sheegay in Qaraxan oo Khasaare badan dhaliyay lala beegsaday suuq ay dad badan ku sugnaayeen oo ku yaalla Xaafada Sadar, kaasoo lagu magacaabo Jamiila.

 

“Wuxuu ahaa suuqa meel ay Dadku ka iibsadaan Cuntada ay Toddobaad walba Cunaan… maxaa yeelay dadku waxay kala yimaadaan deegaanno kala duwan oo maaalada Baqdaad iyo Gobollada ku dhow-dhow si ay toddobaadka dhammaadkiisa Cunno uga iibsadaan,” ayuu yiri sarkaal ka mid ah ciidamada booliiska Ciraaq oo intaas ku daray in gaariga Qaraxa lagu geystay uu soo dhexgalay gaadiidkii raashinka iyo khudradda keenay Suuqa.

 

Darawal watay gaari kuwa dadweynaha ah oo lagu magacaabo Xasan Xamiid oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in markii uu Qaraxu dhacayay inuu meel ku dhow Suuqa, isagoo xusay in Qaraxu ahaa mid aad u xoog badan.

 

“Qaraxan wuxuu ahaa midkii ugu xoogga badnaa ee aan abid arko,” ayuu yiri ruux 37-jir ah oo dhaawac uu kasoo gaaray Qaraxa, laguna Daweynayay Isbitaal ku yaalla Baqdaad. Isagoo intaa raaciyay. “Waxaan arkay gaadiid cirka isku shareeray… meel walbana waxaa qabsaday dab xoog leh.”

 

Sidoo kale, Qaar ka mid ah dhakhaatiirta caafimaadka Magaalada Baqdaad ayaa sheegay in dhaawacyo fara badan uu dhaliyay Qaraxa, iyagoo xusay in Dhaawacyada Qaar ka mid ah ay xaaladdoodu aad u culus tahay.

 

Warbixin uu Ururka Daacish soo dhigay barta ay ku leeyihiin Twitter-ka ayay ku sheegeen in Weerarkan uu jawaab u ahaa xoogagga Shiicada ah ee Taabacsan oo dagaallo culus kula jira ciidamadooda ku sugan dalka Ciraaq.

 

Dhanka kale, Kooxda ISIL ayaa sheegtay inay iyaga mas’uul ka ahaayeen Qarax kale oo Isniintii ka dhacay Suuq weyn oo ku yaalla Magaalada Bacquuba oo ah xarunta Gobolka Diyala ee Bariga dalka Ciraaq, kaasoo ay ku naf-waayeen 34-qof, ayna ku dhaawacmeen 115-qof oo kale.

 

Ugu dambeyn, Weerarka Qarax ee Maanta Gilgilay Xarunta Dalka Ciraaq ayaa la sheegay inuu yahay kii ugu xoogga badnaa ee bilooyinkan ka dhaca xarunta dalka Ciraaq, wuxuuna kusoo beegmayaa xilli Ciidamada Ciraaq ay Howllgallo ka wadaan deegaanada ay Daacish kaga sugan tahay Waddankaas.

 

Comments are closed