|

Qarax lala beegsaday xero ciidan oo Deyniile ku taal

Muqdisho September 13,2023(QJ)-Qarax gaari loo adeegsaday ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan Millateriga ka tirsan Booliska Milateriga ee degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Sida ay sheegayaan wararka gaariga qaraxa lagu soo xiray ayaa ka dhacay meel ku dhow xero ay leeyihiin ciidamada milateriga oo lagu magacaabo “Siisii”, gaar ahaan meel ku dhow nawaaxiga Dhista, waxaana qaraxan uu geystay khasaare lixaad leh.

Sida la xaqiijiyay qarxay ayaa waxaa ku dhintay shaqsigii qaraxa ku xiray. Sidoo kale, waxay sababtay dhaawaca lix qof oo kale, oo ay ku jiraan askar iyo haween ka ag dhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay.

Maamulka degmada Deyniile ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxan uu si bareer ah u qarxiyay kooxdii weerarka soo qaaday, waxaana ay xuseen in falkaasi uu ahaa mid la doonayay in lagu dhibaateeyo ciidamada Milateriga, iyagoo garwaaqsaday in weerarka lagu bartilmaameedsaday dad shacab ah.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii sidan oo kale qarax gaari loo adeegsaday uu ka dhacay meel banaan ah oo ku taal degmada Dayniile, kaasi oo sidoo kale sababay dhimashada shaqsigii qaraxa ku xiray. Labo nin oo la sheegay in lala xiriirinayo weerarkaa ayaa lagu qabtay goobta uu qaraxa ka dhacay.

Comments are closed