Qarax Khasaare Geystay Oo Gilgilay Xarunta Ciidamada Booliska Qaahira iyo Mudaharaaddo Dalkaasi Ka Bilaabmay
Qahira:24-Jan-2014(SDN)-Wararka ka imanaya Dalka Masay ayaa sheegaya in Qarax weyni saacado ka hor uu Gilgilay Xarunta Guud ee Booliska Masaaridu ku leeyihiin Xarunta Qaahira.
Mas’uuliyiinta ammaanka ee Masar ayaa sheegay in qarax weyn uu ka dhacay meel dibedda ka ah xarunta boliiska ee magaalada Qaahira, iyadoo Halkaasna uu khasaari ba’ani ka dhacay.
TV-ga dowladda ayaa sheegay in rasaas la is weydaarsaday kaddib markii uu qarxay baabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo la soo dhigay Wajahadda hore ee Xaruntaas.
Waxaa jira warar sheegaya in afar ruux ay dhinteen 51 kalena ay ku dhaacmeen, iyadoo qasaare uu soo gaadhay dhismaha xarunta u ah Boolksa Masaarida.
Shaqaalaha adeegga gurmadka ayaa la sheegayaa inay goobta yimaadeen, iyagoo Daad guraynaya dadkii ku waxyeeloobay Qaraxa oo tiradoodu aad u badan tahay.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay inay arkeen qiiq ballaadhan oo cirka isku shareeray kaas oo muujinaya dhibka uu leeyahay qaraxaasi.
Dalka Masar waxaa ka dhacay dhacdooyin ammaan darro ah tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweyihii ugu horrey ee si dimuquraadi ah loo soo doortay ee dalkaas, Maxamad Mursi.
Sidoo kale maanta oo jimce ah waxa dalka masar ka dhacay Mudaharaado ballaadhan oo ay wadaan kooxaha isu tegay ee ka qaybqaatay riditaankii Dawladdii militariga ahayd ee dalkaas haysatay muddada soddonka sano ah, waxana la filayaa inuu isku dhac ka dhasho halkaasi.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com