|

Qarax Ka Dhacay Xaafada Garsoor Ee Magaalada Galkacayo iyo Laba kaclaynta Alshabaab ee Punt land

Gaalkacayo 08.Aug (SDN) Qarax xoogan ayaa goor dhoweyd ka dhacay Magaaladda Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug gaar ahaana Xaafadda Garsoor,sida ay innoo xaqiijiyeen dad goob joogayaal ahi.Ilaa hadda lama oga Cida Fulisay iyo Dadka lala beegsaday balse waxaa laga maqlayaa goobtii uu ka dhacay Rasaas iyo Hub Culus.

Qaraxan ayaa la aaminsan yahay in lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Puntland oo hawlgallo amaanka lagu xaqiijinayo ka waday Xaafada Garsoor,waxaana halkaas hadda laga maqlayaa  rasaas culus oo la sheegay inay ciidamada amaanku ridayaan iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha qaraxaasi iyo rasaastaasi geysatey.

Ugu dambeyntii Xaalada Degaanada Puntland ayaa laga soo sheegayaa khalkhal dhinaca amaanka ah iyadoo Alshabab ay xalay duleedka Magaalada Bosaaso ku gubeen laba gaari oo nooca xamuulka qaada ah oo raashin u siday dad barakacayaal ah,waxaana la sheegaya in Alshababa hawlgaladda ay ka wadaan degaanada Puntland laba jibaareen.

Gaalkacayo SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed