|

Qarax ka dhacay Muqdisho iyo khasaare ka dhashay

Muqdisho October 27, 2024(QJ) -Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay maqaaxi ku taalla xaafadda Jamhuuriya, oo ka tirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, waxaana ka dhashay khasaare xooggan. Qaraxa oo ahaa Miino dhulka lagu aasay ayaa lala beegsaday qeyb ka tirsan Maqaayada oo xilligaas ay ku sugnaayeen dad shacab ah.

Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah qaraxa ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad ​​5-ruux, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo loola cararay isbitaalada ku yaala magaalada Muqdisho, si halkaasi loogu dabiibo.

Dhacdadan ayaa muujineysa ammaanka magaalada Muqdisho oo sii xumaanaya, iyadoo saacadihii la soo dhaafay qeybo ka mid ah magaalada ay ku soo badanayeen dilalka dadka rayidka ah. Dhibanayaal badan ayaa lagu soo waramayaa in la beegsaday in lagu rakibo kaamirooyinka CCTV, taas oo muujinaysa isbeddel walaac leh oo caqabado amni oo soo food saartay magaalada.

Comments are closed