Qarax ka dhacay Magaalada Nairobi oo dhimasho iyo dhaawac kala duwan sababay
Nairobi 14.Dec 2013 (SDN)- Inta la ogyahay shan ruux ayaa ku dhintay ilaa 20 kalena dhaawcyo kala duwan ayaa ka soo gaaray qarax caawa fiidkii ka dhacay agagaarka Bangani oo saaran xaafada Islii ee Somalidu degto Nairobi Kenya.
Ilaa iyo hadda lama oga qaabka loo fuliyay balse waxa lala beegsaday bas kuwa dadweynaha ah oo qaada ilaa 32 qof kaasi oo ka baxay wadada sagaalaad (9) islamarkasina taga magaalada hoose (Down Town).
Booliska ayaa goobta soo gaaray, waxana la sheegay in goobta lagu arkay gacmo goyan ilaa lix qof iyadoona loola cararay isbitalka Guru Nanak oo goobta ka dhow.
Cabdulaahi Xasan Xaaji oo goor dhowayn goobta qaraxu ka dhacay maray ayaa Warfidiyeenada u sheegay in ciidamo isku geedaameen, waxana durba la galay baaritaano ku aadan qaabka iyo cida ka danbeysay.
”Waxa loo badinaya tirada dhimashadu inay ka badato shanta ruux” Ayuu yiri Cabdulaahir.
Horey ayaa weeraro uga dhaceen guud ahaan Nairobi, waxana sheegta kooxda Al-shabab.
Weerarkii ugu dhiiga badnaa ayaa September, 2013 lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate, waxana ku dhintay in ka bdan 60 ruux halka dhaawucu 200 ku dhowaaday.
Nairobi SDN.
Qurbejoog.com