|

Qarax ka Dhacay Kismaayo,Rasaas is Qabsatay,Hal Qof oo Dhintay iyo Laba Dhaawacooda lala Tacaalayo

Kismaayo 26.March 2014 (SDN)- Hal qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday, saddex kalena waa ay ku dhaawacantay qarax miino oo maanta lala eegtay gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM oo marayey xaafadda Dalcadda ee magaalada Kismaayo.

Photo File

Photo File

Dad goob-joogayaal ah oo la hadlay Warfidiyeenka ayaa sheegay in geerida iyo dhaawaca dadka rayidka ah ay ka dhasheen rasaas xooggan oo dhacday kaddib qaraxa.

Goob-joogayaasha ayaa sheegay inaysan jirin wax khasaare ah oo gaaray ciidamada AMISOM, iyadoo goobtii qarax uu ka dhacay ay isku gadaameen ciidamo ka tirsan AMISOM iyo kuwa maamulka Jubba.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidanka AMISOM oo ku saabsan qaraxaan saaka ka dhacay magaalada Kismaayo.

Dhinaca kale, isbitaalka magaalada Kismaayo ayaa maanta la geeyey saddex qof oo rayid ah oo la sheegay in ay ku dhaawacmeen is-rasaaseyn xalay xaafadda Via-Afmadow ee Kismaayo ku dhex martay ciidamada AMISOM iyo kuwa maamulka Jubba oo isku dhinac ah iyo maleeshiyaad la rumeysan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Sarkaal ka tirsan madaxda isbitaalka Kismaayo, oo diiday in magaciisa la xigto, ayaa sheegay in dadka la keenay isbitaalka ay qabaan dhaawacyo fudud.

Kismaayo SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed