|

Qarax Bossaaso ka dhacay iyo raiisul wasaare Gaas oo halkaa ku wejahan

Bossaso Dec 27,2011(qurbejoog.com)-Qarax maanta Bossaso ka dhacay ayaa waxa ku geeriyooday ilaa sadex ka mid ah ciidanka Booliska degmada oo hawlo miino baar ah halkaa ka waday dhawr maalmoodba.

Ciidamada ayaa shalay badhtamaha magaalada ka soo saaray dhawr miino oo halkaa lagu aasay dhawaan.

Qaraxyada dabadood ayaa la arkayay ciidamada Booliska Boossaso oo baaraya daka aaga ka ag dhawaa.

Qaraxan iyo miino baarida ayaa imanaya xili saacado uun ka dib la filayo in uu magaalada booqdo raiisul wasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya Md Cabdiwali Cali Gaas.

Inkasta oo aaney weli qaraxan cidina sheegan hadana Maamulka Puntland ayaa ayaa dusha u saaray kooxda Al Shabaab in ay falkan ka danbeyso.

Raaisul wasaare Gaas ayaa haatan booqanaya degmada Camaaro oo ilaa 100km dibedda ka ah Bossaso.

 

Qurbejoog-Bossaso 

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed