QARANIMADA IYO MADAXBANAANIDA SOMALILAND WAA MUQADAS AAN QURBA MEER STATE IYO GUDO MEER STATE AYNA CIDNA WAXBA U DHIMI KARIN
Qaranimadda Somaliland ee 21labaatan jirsatay waxay ka dhalatay iraadada shacbiga dalka ku abtirsada oo dhan jiritaankiisuna waa muqadas aanay koox qurbo meer ah iyo ashkhaas meelo kale looga gacan haadinayaa haba yaraatee aanay waxba yeeli Karin.
Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo nabaddu qiime sare iyo ahmiyad weyn u leedahay, haddana difaaca iyo sugida xuduudaha mucayinka ah ee dalku waa qodobka u weyn ee ay dabaqayso una taagan tahay hirgelintiisa.
waxaanay indhaha kala soo bixi doontaa kooxaha sida shaydaanka laga dhex hadlayo ee ku dhawaaqaya hadaaqyo iyo isku dayo ay ku doonayaan inay ku dhantaalaan midnimada iyo israacsanaanta dhul ahaaneed ee Jamhuuriyadda Somaliland.Waxa la gaadhay ammintii ay cagaha wax ka dayi lahaayeen.qurbo meer state somalidaa ku maah maahi jirtay nin naagi wado iyo awr awr wado midna kaama baydho.
Hadaba Dawladda Somaliland waxay qaadi doontaa talaabo ay qoomameyn doonaan kooxaha rayul caamka bulshada iyo indhaha beesha caalamka doonaya inay ka iibinayaan riyo aan u rumoobayn.
Geesta kale, waxa dawladda Somaliland waxay diyaar u tahay inay si kalsami ah ugu dheg raariciso wixii tabasho ah ee shacbiga Somaliland gobol ilaa gobol ay qabaan.
Waxaan aad ula yaabaa marka nin aan 30 sano Somaliland arag aqoona u lahayn deeganadeeda xataa gobolka uu ka soo jeedo ee awdal aan kala aqoon inta degmo ee ay tahay uu sheeganaayo state horaa loo yidhi ka waalan haduu qoslo ka miyirka qabaana waa ku daraa.
Somaliland waa dal ay dadkiisu gacmaha is wada haystaan oo aan dank a lahayn ninka qurbaha joogaa haduu gobolbaad sheegaysaaaye uu 20 ukala saaro markaas waxaan kula talinlahaa shacbiga reer Somaliland ee qurbaha yarku inuu soo can baxuu rabaaye aan u ogolaano walee caduur dhaw dhawdu uma dhacsana tolow cidqabata oo la talisana miyuu wayay oo tiara adeer qurbaha ha inagu cadilin.
Waxaan u sheegaya cidkasta oo cadaw ku ah qaranimada Somaliland in dalkani dhaqaaqay cidna aanu u joojinayn ee adeer imikaad dhawdihiina maad dhinaca ka raacdaan hadii kale hadhow waxaa xigi farta dhaxda ka qaniin alla masidanaan modaayey hore ayaa loogu maahmaahay doqoni meel lagu kaftamaayo ayey moodaa in lagu kala tagay gunaanadka hadalkayga qaranimada Somaliland waa muqadas lama taabtaan Somaliland guul…..
BY: Gudoomiyaha dhalinyarada Somaliland Canada
Mohamed Ahmed Cige (Mohamed case}
ahmed_farah43@yahoo.ca