|

Qaran Gaboobay Qalinkii:- Garyaqaan Cabdale Dahir Adan

Weydiimo u yaal DHalinta iyo Odayaasha:-

Qormadan oo dhamaanteed weydiimo ah waxa aan u dhaafayaa dhalinta iyo cida kale oo ah odayaasha, waxana aan rabaa in ay weydiimahaasi noqdaan kuwo furfuridooda ay labadaas dhinac isla meel-dhigaan, waayo furfuridu aniga oo kaliya iima taal ee waa mid u taal dhamaan bulshada Somaliland, waxana aan u diiday furfuridooda dhinac baan ka ahay, arinkan, sidaas darteen dhinacnimadaas aan ka ahay awgeed, weydiimahana waxa aan soo dhigayaa madasha iyo fagaaraha aan ku wada xaajoonayno labadeenaas dhinac.

Weydiimihiina waa kuwan:-

  1. Maxaa ka dhigay in 80% ay yihiin odayaal ka weyn 55 jir in ay hogaamiyaan qarankeena?
  2. Ma dhalintaa looga baqayaa qaranka mise qarankaa dib u guuraya halkii hore looga guuri lahaa?
  3. Yaa ina yidhi hadii aan dhalinta nahay uma qalantaan hogaaminta qaranka se hogaaminta odayaashu soo taas maaha inagu celisay xiligii gumaysiga ingiriiska?
  4. Hadii dhalintu sumad u tahay bari iyo mustaqbalka, maxaa inag dhigay in aan isku haysano odayaal gaboobay, ee aan hogaamiyayaal dhalin yar isugu haysan weynay?
  5. Mise waxaan dhamaanteen heshiis ku nahay sidaas ay u gaboobeen ee iilka ugu sii durkeen in qarankeenuna ugu sii durko dhanka burburka xabaashana uu la galo iyaga?
  6. Maxaa se kootada ugu xidhay hogaaminta qaranka odayaal gaboobay, oo qabyaalad iyo boobka hantida qaranka ku caano maalay?
  7. Ma gar baa in bulshada Somaliland oo 70 % dhalin yaro ahi in ay hogaamiyaan 10% gaboobay oo da’a doodu ka weyntahay 55 sano?
  8. Horaa loo yidhi nin aamusay hooyadii qadisay ee maxaa inag dhigay hadii aan nahay dhalinta Somaliland xaabada naarta iyo xoog gar iyo gardaraba u xidhan oday dantiisa iyo calooshiisa dhaafi waayay?
  9. Hadii aqoonta aan sheeganaynaa in uun dhab tahay maxaa inoo diiday in aan ku soo goosano waxa aqoontaasi inoo goyso?
  10. Oday qabyaalada caabuda, aqoon aan lahayn, kaliya talo kaga gudhay waa markaygii, bulshadana ka dhigay hangool uu ku soo oodaysto, bari iyo mustaqbal aan aqoon, ma ku daynaa hogaaminta qarankeena?
  11. Maanay xishoon madaxdeenu marka wiil yar oo ay awaw u yihiin u yeedhinaayo, halka uu kuwiisii ay badaha iyo baahi u dhimanayaan? Maxaase u diiday in uu waayeel la taliya u noqdo dhalintiisa, hogaamintana uu u dhiibo? Maxaase dhalinta u diiday in ay nasiyaan waa waalid in badan u soo dhamiyay qarankeenee?
  12. Ma dhalintaa halis ku ah qarankeena mise odayaasha? Se waa maxay halista uu mid kastaa ku yahay qarankeena?
  13. Aqoonta oo dhalinta u badan iyo waaya aragnimada oo dhanka odayaasha u badan ma haynaa hab aan labadaas isku dhex-galino? Mise waxa dan iyo xal la mooday in koox kastaaba dhankeeda waxa u haysato qarankuna ka qatanaado?
  14. Laba ayaa yaala ee keen dooranaa in qarankeenu la dhinto odaygaas gaboobay iyo in uu la noolaado dhalintaas sida ubaxa xoog iyo aqoonba dhisan sidaasna uu ku noolaado?
  15. Dhalinta hadii aan nahay ma naqaanaa awoodeena?se awoodan la inagu kala xadxadaa waa mid nooceeya? Se cidan inagu kala xadxadaa habkay inoo kala xadxadaan?
  16. Se hadii aan nahay dhalinta maxaan rabnaa? Yaanse wax ka rabnaa? Habkeen se u raadinaa waxa aan rabno? Se ma jiraan wadooyin aan ku helayno waxa aan rabnaa? Waa se maxay wadooyinkaasi?
  17. Dhalinta hadii aan nahay maxaan wadaagnaa oo ina mideeya? Maxaan se ku kala aragti gadisanahay? Se taasi dhib ma inagu haysaa?
  18. Maxaa keenay in bulshadu odayga aamintu oo ku kalsoonaato maxaa se keenay in bulshadu aamini weydo dhalinta?

                        Qalinkii:- Garyaqaan Cabdale Dahir Adan

            Chief Executive Officer:- Damal Legal Services

                              Email:- cabdale1987@gmail.com

                                      Tell:- 063-4240180   

Comments are closed