Qarammada midoobay oo gargaar u dalabtay Soomaalida
Nairobi 09.May 2015 (SDN/QJ)-Qarammada midoobay ayaa sheegtay inay gargaar degdeg ah u baahan yihiin Soomaali badan oo ku dhibaataysan gudaha dalkooda.
Wakiilka Qaramada midoobay u qaabbilsan arrimaha bani’aadannimada ee Soomaaliya, Philippe Lazzarini ayaa sheegay in saddex milyan iyo dheeraad qof oo ku nool Soomaaliya ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah.
Wuxuu xusay in ku dhawaad Nus-malyuun qof oo ka tirsan dadkaasi aysan haysan gabi ahaanba adeegyada aas-aaska u ah nolosha aadanaha.
Lazzarini ayaa tilmaamay in ammaanka shaqaalaha gargaarka iyo xiritaanka xawaaladaha Soomaalida ee Kenya ay sii kordhinayaan arrimaha bani’aadannimo ee ay wajahayso bulshada Soomaalidu.
Wakiilka Qarammada midoobay ee arrimaha bani’aadannimada ee Soomaaliya ayaa xusay in ku-dhawaad kalabar tirada dadka ee Soomaalida ay noloshoodu ku tiirsan tahay adeegga xawaaladaha.