|

Qaramadda Midoobay oo Dowlada Somaliya uga digtay falalka ka dhanka Xaquuqul Insaanka

Muqdisho 20 Nov 2015 (SDN/QJ):- Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr.Ivan Šimonović oo  shir jaraa’iid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka waramay xaalada dalka Soomaaliya oo uu ku yimid booqasho shan maalmood ah.

Mr.Ivan Šimonović
Ivan Šimonović ayaa sheegay inay jiraan horumar badan iyo dadaal xoogleh oo socda dhanka Amniga iyo dhismaha Dowladnimada Soomaaliya, balse wuxuu sheegay in dib u dhac ku imaan karto dadaalka socda hadii la waayo taageerada Beesha Caalamka.

Wuxuu sidoo kale sheegay in uu ka walaacsan yahay falalka ka dhanka ah Xaquuqul insaanka ee lagu eedeenayo inay ku kacaan ciidamada Dowlada iyo Waliba kuwa AMISOM, isagoo sheegay in ciidamada looga baahan yahay inay dhowraan xaquuqda shacabka laga rabo inay difaacaan.

“…Falalka ka dhanka ah Xaquuqul Insaanka waxay saameyn si toos ah ugu leedahay kalsoonida shacabka ku qabaan ciidamadooda. Waxayna dhaawac u geysanaysaa halganka loogu jiro la dagaalanka argagaxisada…” ayuu yiri Ivan Šimonović.

Baaqan ayaa kusoo beegmay xili Isniintii ay ciidamada Dowlada qaar kamid ah ay dad shacab ah oo u badan Baro-kacayaal ku gumaadeen nawaaxiga Jaamacadii hore ee Gahayr. Goobtaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 11 qof oo rayid ah.

 

Comments are closed