|

Qaramadda Midoobay oo Daboolka Ka qaaday Cidii ka danbaysay Duqayn lala Beegsaday Doon ay Saarnaayeen Tahriibayaal Somali ah oo Diyaarado ku Duqeeyeen Marin Biyoodka Baabul Mandab

New York 28. July 2017 (SDN/QJ):- Qaramada Midoobay baadhayaal ka socda ayaa xaqiijiyey in Xulafada Sacuudigu hogaamiyo ay ka dambeeyeen duqeyntii lala beegsaday doon ay saarnaayeen tahriibayaal Soomaaliyeed oo marayey xeebta degmada Xudeyda ee Yemen bishii March ee sannadkaan.

Warbixin qarsoodi ah oo ay Reuters heshay ayaa xaqiijinaysa in weerarka oo lagu dilay 42 Soomaali ah, isla markaana lagu dhaawacay 32 kale ay ka dambeeyeen diyaaradaha dagaalka xulafada Sacuudigu hoggaamiyo ee dagaalka kula jira kooxda Xuutiyiinta Yemen.

 

Warbixinta ayaa sheegaysa in Sacuudiga iyo Is-bahaysigiisa keliyah awood u leeyihin adeegsiga diyaaradaha helicopter ah hubaysan,marka la barbar dhigo dhinaca kale ee Xuutiyiinta dagaalka kula jira oo iyagu aan haysan diyaaradaha dagaalka.

 

Sida warbixintu ku warrantay Doonta la weeraray ayaa waxaa saarnaa in ka badan 140 ruux oo tahriibayaal Soomaaliyeed ah, waxaana ka badbaaday 66 ruux, halka 74 kale ay noqdeen wax dhintay iyo wax dhaawacmay.

 

Isbahaysiga Sacuudigu hoggaansho ee ka dagaallamaya dalka Yemen ayaa hore u beeniyey inay iyagu beegsadeen tahriibayaashaasi Soomaaliyeed ee lagu xasuuqay weerarka duqaynta ah,balse warbixinta haatan soo baxday ayaa xaqiijisay in dadkaasi rayid ah lagu beegsaday hub laga soo ganay diyaarad helicopter ah oo ay leeyihiin is-bahaysiga Sacuudiga.

 

Warbixinta oo ka kooban 185 bog ayaa loo gudbiyey Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay maalintii Isniinta ee la soo dhaafay,waxaana lagu faahfaahiyey dhammaan raadadka la xiriira dhacdadaasi xasuuqa ah.

Comments are closed