Qaramada Midoobey ooka walaacsan amaanka xeryaha Qaxootiga
Geneva Jan 13 2012(qurbejoog.com)-QM ayaa war ay maanta soo saaraty ku sheegtay in ay ka werwersan tahay xaaladaha amaan ee xeryaha qaxootiga ee ku yaal dalalka Kenya iyo Itoobiya oo ay ku jiraan ku dhawaad hal million oo ruux.
QM ayaa hyadeeda u qaabilsan qaxootiga ayaa sheegtay in si gaadh ah ay uga werwersan tahay xerada qaxootiga dunida ugu balaadhan ee Dhadhaab ka dib dilala iyo afduub halkaa loogu geystay shaqaale samafaleyaal ahaa.
Afhayeen u hadlay UNHCR ayaa sheegay in booliska Kenya ay baadhayaan in dad xerada ku nool ay ka danbeeyay falal danbiyeedyada iyo in dibedda uga timaado dadkan weerarada geysta.
Andrej Mahecic ayaa saxaafada ugu sheegay magaalada Geneva in ay joojiyen diwaagelinta qaxootiga bishii ina dhaaftay bishii October ka dib weeraradii halkaa ka dhacay.
Andrej waxa uu sheegay in dad tiradooda uu ku sheegay ilaa 1,600 oo ruux oo aan la diiwaangelin ay xerada soo gaadheen intii ka danbeysay October.
Qurbejoog-Geneva
contact@somalidiasporanews.com