|

Qaramada Midoobey oo Soomaaliya ugu deeqday $5 Million

NY November 15, 2024(QJ)-Qaramada Midoobay ayaa 5 milyan oo dollar ku taageertay Soomaaliya, deeqda ayaa ka timi sanduuqa wax ka qabashada xaaladaha degdega ah ee Soomaaliya si looga taageero Soomaaliya abaaraha ku soo wajahan, gaar ahaan kuwa saameeynaya bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya iyo Puntland.
Maalgelinta ayaa la filayaa in lagu caawiyo in ka badan 130,000 oo qof iyada oo diiradda la saarayo cuntada, biyaha iyo adeegyada nadaafadda.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya ay wajaheyso khatar sare oo abaareed oo ay ugu wacan tahay La NiƱa, iyo iyadoo hoos u dhac weyn uu ku yimid roobabkii la filayey.
Gargaarkan ayaa sidoo kale waxaa dheer 5 milyan oo dollar oo hore loogu qoondeeyay ka hortagga abaaraha. Ku dhawaaqista ayaa ku soo beegantay iyadoo shirka COP29 ee cimilada, halkaasoo Soomaaliya ay rajaynayso inay hesho dhaqaale dheeraad ah oo lagula dagaallamo saamaynta isbeddelka cimilada.

Comments are closed