Qaramada Midoobey Oo Soo Saartay Tirada Dadka Sanadkan Lagu Dilay Soomaaliya WARBIXIN
New York 10. December 2017 (SDN/QJ):-Warbixin ay maanta oo Axad ah soo saartay Qaramada Midoobay ayaa sheegeysa in colaadda hubeysan ee ka jirta Soomaliya ay weli khasaara culus u geysto dad rayidka.
Warbixinta oo loogu magac daray “Ilaalinta Dadka Rayidka: Dhisidda Asaaska Nabadda, Amniga iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya” ayaa xooga lagu saaray dhibaatooyinka dadka rayidka ah ee Soomaaliya loo geystay inti u dhaxeysay 1-di bishi Jannaayo 2016-ki ilaa 14-ki October ee sanadkan 2017-ka.
Qaramada Midoobay waxay sheegtay in colaadda ka jirto Soomaaliya aysan kaliyah dhibaato culus u geysan Soomaaliya balse sidoo kale ay burburisay kaabayaasha dhaqaalaha iyo qaab-nololeedka dadka, barakicisay malaayiin ruux isla markaana kalliftay in dadka baahan la gaarsiin waayo gargaarka bani,aadannimo.
Warbixinta oo ay si gaar ah u soo daabacday Xafiiska Qaramada Midoobay ugu qaabilsan Soomaaliya ee loo soo gaabiyo UNSOM, ayaa lagu faah-faahiyay khasaaraha dadka rayidka ah soo gaaray inti u dhaxeysay bilowgi sanadki hore iyo dhamaadka sanadkaan, taasoo gaareyso 2,078 ruux oo dhimasho ah iyo dhaawaca 2,507 oo ruux.
In ka badan kala bar khasaaraha (boqolkiiba 60) waxay warbixintu u aaneysay maleeshiyaadka Al-Shabaab, boqolkiiba 13 waxaa loo aaneeyay maleeshiyo beeleedyo, boqolkiiba 11 waxay khasaaraha warbixintu dusha u saartay dhinacyada xoogagga Dowladda, oo ka midyihiin ciidamada milleteriga iyo booliska, boqolkiiba afar waxaa geystay Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), halka boqolkiiba 12 na loo aaneeyay dad weerarro geystay oo aan la aqoonsanin ama aan la xaddidin.
Warbixinta ayaa si gaar ah u xustay masiibadi 14-ki October ka dhacday Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho. Dhacdadaasi waxay ku sheegtay in ay aheyd tii ugu xumayd ee hal maalin dhacda. Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay in weerarkaasi ay ka danbeeyeen maleeshiyada Al Shabab. Sida ku cad warbixinta Qaramada Midoobay, tirada rasmiga ah ee tan iyo 1-dii Diisembar la diiwaangeliyay ee khasaaraha weerarki Isgoyska Zoobe ayaa ah dhimashada ugu yaraan 512 qof, iyo 316 ruux oo ku dhaacantay.
Dhinaca Dowladda Soomaaliya, Warbixinta waxay ku eedeysay hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya in ay si joogto ah iskaga indha-tirto sharciga caalamiga ah ee xuquuqul insaanka marka ay fulinayso hawlo soo qabasho iyo xabsi-gelin ah. Warbixintu waxay kaloo ku eedeysay Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka in wariyeyaasha iyo dadka looga shakiyo inay Al Shabaab ka tirsanyihiin inta badan xabsi la dhigo iyaga oo aan dacwad lagu soo oogin.
Warbixintu waxay xustay in qorista caruurta la askareynayo ay aad u korortay. Intii lagu jirey 10kii bilood ee ugu horreysay sannadka 2017, tiro kiisas dhan 3,335 oo ah carruur ciidan ahaan loo qortay ayaa la soo tebiyay -boqolkiiba 71.5 waxaa lagu eedeeyay Al Shabaab, boqolkiiba 14.6 waxaa loo aaneynayaa maleeshiyo beeleedyo, halka boqolkiiba 7.4 loo aaneynayo Ciidanka Xoogga Dalka.
Ugu danbeyntii Qaramada Midoobay ayaa ka dalbatay dhamaan dhinacyada ku lugta leh colaada Soomaaliya in ay qaadaan tallaabooyinka suurtagalka ah oo lagu badbaadinayo dadka rayidka ah iyo hantidooda iyadoo loo marayo in la soo afjaro adeegsiga dhammaan walxaha qarxa ee macmalka ah, iyo in la joojiyo duqeynta loo adeegsado hoobiyeyaasha, gantaalaha iyo bambaanooyinka lagu tuuro goobaha ay ku noolyihiin dadka rayidka ah.
Warbixintu waxay sidoo kale ku baaqaysaa in dhammaan kooxaha hubeysan iyo maleeshiyaadka aan sharciga ahayn la kala diro.
Howlgalka AMISOM ayay warbixintu ugu baaqday in ay xoojiso tallaabooyinka isla-xisaabtanka ee ku aaddan dhacdooyinka ka dhanka ah rayidka ee ay mararka qaar askarta AMISOM u geystaan dadka rayidka ah.
Waxaa lagu boorriyay taliska AMISOM in ay sameeyaan baaritaanno wax ku ool ah iyo in sharciga la marsiiyo eedeymaha halista ah ee loo tiiriyo AMISOM iyo ciidamada kale ee caalamiga ah, in dembiilayaasha lala xisaabtamo oo sharciga la horgeeyo iyo in kaalmo waafi ah iyo xaal marin wax ku ool ah la siiyo dhibanayaasha.
Warbixintu waxay sidoo kale ku boorinaysaa Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah inay ansixiyaan tallaabooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed oo ay ku jiraan kuwo ku saabsan sharci fulinta, si loo xaqiijiyo in baaritaan wax ku ool ah la sameeyo, isla markaasna dacwad lagu soo oogo kuwa geysta xadgudubyada iyo tacaddiyada halista ku ah sharciga calamiga ah ee xuquuqul insaanka iyo sharciga caalamiga ah ee xilliyada colaadaha, dhibanayaashana loo helo xaal marin wax ku ool ah.