|

Qaramada Midoobey oo sheegtay in Qaxootiga Soomaalida ee Kiinya iyo Itoobiya u qaxay in tiradoodu gaadhay 1 million

New York July 18,2012(SDN)-Ha’yada Qaxootiga u qaabilsan QM ayaa sheegtay in Soomaalida u qaxday dalalka jaarka ay tiradoodu haatan buuxisay 1miilion oo ruux.

Dadka oo ku kala nool dalalka Kiinya iyo Itoobiya ayaa qaar ka mid ahi waxa ay xeryaha Kiinya iyo Itoobiya gaareen bilihii u danbeeyay.

UNHCR oo QM uqaabilsan Qaxootiga ayaa sheegtay in hoos dhac balaarani ku yimi tirada dadka Soomaaliya uga yacaya colaadaha iyo abaaraha balse ay dhibaato weli jirto.

UNHCR waxa ay sheegtay in tirada Soomaalida ee hoygoodii ka yaacay lix bilood ee u horeeyay sanadka ay tahay 30.kun oo ruux halka sanadkii 2011kii ay aheys 130 kun oo ruux.

QM waxa ay leedahay xaaladaha hoos u dhica ku keenay dadka gaaraya xeryaha qaxootiga in ay ka mid yihiin abaarihii oo aan sidii hore aheyn iyo Shabaab oo  degaano laga saaray.

QM waxase ay ka digaysaa in dadka barakacay ay kordhi doonaan kolka la damco in Soomaaliya loo sameeyo dawlad rasm ah dhawaan,sababta oo ah dagaalada oo dib u soo noqon doona.

Si kastaba ha ahaatee xaalada Soomaaliya ayaa labaatankii sanadood ee u danbeeyay ku jirtay talaabo hore u qaad labana dib u qaad.

SDN-New York

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed