|

Qaramada Midoobey oo sheegtay in laba beelood qeybsadeen Hub Dawlada Soomaaliyeed loogu deeqay

Muqdisho Feb 15,2014(SDN)-Kooxda la socodka Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya ayaa warbixin ay soo saartay waxa ay ku sheegtay in la marin habaabiyay hub dhawaan dawlada Soomaaliya ay soo iibsatay.

Qaramada Midoobey ayaa sanadkii ina dhaafay bishii March dabcisay cunaqabateyn dhanka hubka ah oo Soomaaliya saarneyd intii ka danbeysay sanadii 1993dii.

Kooxdan oo la yiraahdo UN Monitaring Group ayaa sheegtay in dal ka mida kuwa Khaliijku hub siiyay Soomaaliya ka dibna hubkaasi uu gacanta u galay hogaamiye Al Shabaab ka tirsan oo Madaxweynaha Soomaaliya ay isku reer yihiin.

“Mid ka mida la taliyeyyasha madaxweynaha Soomaaliya oo dhalashadiisu tahay Abgaal ayaa ka shaqeeyay sidii hubka qaar loo gaarsiin lahaa Sheekh Yusuf Ciise oo isna Abgaal u dhashay”ayaa lagu yiri warbixinta QM.

Sidoo kalena waxa ay sheegeen kooxda la socodka Cunaqabateynta Soomaaliya in mid ka mida Wasiirada Soomaaliya oo u dhashay Beesha Habagidir uu isna hub u leexiyay beeshiisa.

Warbixintu wax ay sheegay in suuqa hubka ee Magaalada Muqdisho lagu arkay hub faro badan oo laga soo weeciyay ciidamadii loogu talo galay.

Warbixinta ayaa ku soo beegmeysa xili ay dib u soo noolaadeen dagaaladii ay Muqdisho ka wadeen Al Shabaab.

Isla markaana bisha danbe ay QM golleheeda amaanku dib u qiimeyn ku sameynayaa goaankoodi debcinta cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya bisha ina soo heysa.

Gollaha Amaanka ayaa waxa horyaala in cunaqabateynta gebi ahaan Soomaaliya laga qaado, in sidan loo daayo iyo in dib loo saaro cunaqabateynta.

Dawlada Soomaaliya ayaan ilaa hada ka hadal eedan culus ee loo soo jeediyay.

 

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed