Qaramada Midoobey oo sheegtay in la-taliyeyaashiisu ay Hub siiyeen Shabaabka
Muqdisho July 28,2014(SDN/QJ)-Warbixin ay shaacisay kooxda QM ee la socodka cuna qabateynta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in lab aka mida la-taliyeyaasha madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ay hub ka iibiyeen kooxda Al Shabaab.
Hubka ayaa shixnad ka mida Shabaabka lagu wareejiyay todobaadyo uun ka dib kolkii Shabaabku weerarka ay ku qaadeen xaruntii Westgate ee 64 ay ku dhimatay.
Mid ka mid ah la-taliyeyaasha Muuse Ganjab ayaa sheegtay in uu dib u dhigay weerarkii ciidamada Mareykanku ku qaadeen xarunta Shabaabka ee Baraawe.
Mareykanka ayaa damacsanaa in ay gacanta ku dhigaan mid ka mida ragii abaabulay weerakii Shabaabku ku qaadeen Westgate Mall.
La-taliyaha kale ee arinka lagu eedeeyay oo la yiraahdo Cabdicasiis Xassan Giyaajo ayaa ah nin heysta dhalashada Mareykanka isla markaana uu Adeerkii ahaa Guddoomiyihii hore ee Baanka Soomaaliya.
Warbixinta QM ayaa ku eedeysay madaxweyne Xasan Sheekh in uu la-taliyeyaashiisa la qorsheeyay sidii ay wasiir hore oo British ah Shulman Rogers iyo shirkad qareeno oo Mareykan ah ay u dhici lahaayeen lacago Soomaaliya ka yaala Baananka caalmka.
Labada la-taliye ayaa iyaga oo la shaqeynaya Mr.Rogers waxa ay sidoo kalena la shaqeynayeen Shabaabka sida warbixinta lagu yiri.
Muuse Ganjab iyo Mr Amalo ayaa labaduba dafiray eedaha QM isla markaana sheegay in QM aaney soo bandhigin wax cadeymo ah.
Eedahan ka yimi kooxda la socodka xanibaadyada hubka ee QM ayaa imanaya xili uu madaxweynaha Soomalaiya ku hafanoyo fadeexado isdaba jog ah.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa isaga qudhiisu dafiray eedahan u danbeeyay ee loo jeediyay.
SDN/QJ-Muqdisho
contact@qurbejoog.com