Qaramada Midoobey oo ay dhici karto in ay mudo kordhin ku sameyso fasaxa hubka dawladu soo iibsato
New York Feb 20,2014(SDN)-Gollaha amaanka ee QM ayaa lagu wadaa in dhawaan uu kulan ka yeesho waxa laga yeelayo cunaqabateynta hubka ee saaran 22kii sanadood ee u danbeeyay dalka Soomaaliya.
QM ayaa sanadkii hore mudo sanad ah ka dabciyay cuna qabateynta dawlada Soomaaliya,kooxda la socodka cunaqabateynta ayaa shaacisay dhawaan in qaar ka mida hubkii dawladu soo iibsatay in uu galay gacanta kooxda Al Shabaab.
Kulankan dhawaanta ay Gollaha Amaanku ka yeelan doonaan cunaqabateynta ayaa lagu wadaa in aaney wax isbedel ah ku iman ilaa bisha October ee sanadkan.
QM ayaa October dhegeysan doona warbixinta kooxda la socodka cunaqabateynta Soomaaliya.
Sida ay rueters u sheegeen diblomaasiyiin ku sugan New York Gollaha Amaanka ayaa ay suurtogal tahay in ay dawlada Soomaaliya digniin uga dhigaan kordhinta ogolaasha iibsiga hubka ee ilaa October.
Sidoo kalena waxa suurto gal ah in QM ay Soomaaliya dul dhigaan la socod dheeri ah oo ku wejahan halka Hubka ay iibsadaan ku danbeeynayo.
SDN-New York
contact@somalidiasporanews.com