Qaramada Midoobey iyo Britain oo Gollaha amaanka horgeynaya qaraar kor loogu qaadayo tirada ciidamada AMISOM
NY Nov 01,2013(SDN)-Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee QM Jan Eliasson ayaa Gollaha Amaanka ee Qm ka codsaday in ay kordhiyaan tirada ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka Soomaaliya si ay ula dagaalamaan kooxda Al Shabaab.
Ciidamada ayaa tiradooda la doonayaa in la gaarsiiyo 22 kun oo askari kolka la ansixiyo qorshan oo uu hore xoghayaha guud u soo jeediyay.
Dawlada Britain ayaa haatan ku guddo jirta diyaarinta qaraarka AMISOM loogu biirinayo ilaa 4,000 oo askari oo cusub.
Qorshahan ayaa waxa soo dedejiyay weerarkii dhawaan Shabaabku sheegteen ee lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate Mall.
Ciidamada AMISOM oo ka socda Africa ayaa heysta taageerada QM balse aan aheyn qaar QM hoos taga.
AMOSOM ayaa kharaashaadka ku baxa oo ciidaa ka badan ayaa waxa intooda badan bixiya dalalka reer Yurub.
SDN-NY
contact@somalidiasporanews.com