|

Qaramada Midoobay Oo Xukuumadda Soomaaliya Ka Sugaysa Jawaabta Qaraar Muhiim ah

Muqdisho:19-Nov-2013(SDN)-Iyadoo Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay uu Baaq u soo diray Dawladda Somaliya,kaas oo la xidhiidha ansixinta Sharciga mamnuucidda Budhcad-badeedda, ayey ku soo Beegantay xilli ay madaxa iskula jiraan madaxda u sarreeya ee Dawladdu.

qaramoSidoo kale waxaa loogu baaqay wadamada bariga africa inay howlgalka ka dhanka budhcad badeed ay ka sameeyaan biyaha iyo barriga si loo dabar gooyo kooxo soo abaabulo ee dhaqaalaha ku taageera weerarada ay u geysanayaan maraakiibka isticmaasha biyaha mashquulka badan.

 

Golaha amaanka ayaa soo dhaweeyay wararka ku aadan hoos u dhaca ku yimid weeraradii ay qaadi jiraan kooxaha budhcad badeeda Soomaalida, iyadoo maraakiib badan iminka ay ilaaliyaan ciidamada ilaalada xeebaha Soomaaliya iyo meelaha ka baxsan.

 

Golaha ayaa ansixiyay  qaraarka 15-0 maalintii shalay, iyagoo dowlada Soomaaliya ugu baaqay inay dardar geliso dagaalkeeda ku wajahan xedhitaanka budhcad badeeda iyo in maxkamad lasoo taago.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed