Qaramada Midoobay oo soo dhoweysay shirka qaran ee Muqdisho ka socda
Muqdisho:3-Sep-2013(SDN)-Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweysay shir qaran oo Maalintii shalay ka furmay Magaalada Muqdisho, kaas looga hadlayo qabashada doorasho xor ah oo 2016-ka ka dhacda Soomaaliya.
Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay oo hadal ka jeediyay furitaanka shirka ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay dowladda Soomaaliya ka taageereyso nabadda iyo qorshaha dib u heshisiinta dalka.
Danjire Nicholas Kay ayaa tilmaamay in ay sidoo kale dowladda Soomaaliya kala shaqeynayaan istaraatiijiyad wanaagsan oo lagu horumarinayo dalka oo ay ka mid tahay horumarinta habka federaalka ah, dib u eegista dastuurka, afti loo qaado ansixinta dastuurka iyo u diyaar-garowga doorashooyin xor iyo xalaal ah oo sanadka 2016-ka ka dhaca Soomaaliya.
Ergeyga ayaa ku ammaanay dowladda horumarrada iyo isbeddelka ay ku sameysay muddo kooban, balse waxuu tilmaamay inay iman karaan caqabado badan oo u baahan in laga gudbo, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhaqaalaha, ammaanka, xuquuqda aadanaha, dowlad-wanaagga iyo kuwa kale.
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com