|

Qaramada Midoobay oo Si Weyn uga Walaacsan Cuddurka Daacuunka oo Guud ahaan Gobolada Yemen Ku faafay Xili Nidaam La’aan Baahsani Waddankaasi ka Taagan tahay

Sanca 07. July 2017 (SDN/QJ):- Qaramada midoobay ayaa ku dhawaaqday in dhamaan gobolada dalka yaman uu xiligan wada gaadhay oo ku faafay cudurka daacuunku.

 

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in xiligan 21 gobol ee wadankaasi ka kooban yahay laga wada heli karo dad la tabalaysan cudurka daacuunka, iyadoo tirada guud ee uu ku dhacay cudurkani ay xiligan cagacagaynayso ilaa 270 kun oo ruux, kuwaas oo 1600 oo ka mid ahaa ay u geeriyoodeen xanuunkaasi oo soo bilaabmay tan iyo bilowgii bishii April ee sanadkan.

 

 

Telefishinka caalamiga ah ee SKY news oo maanta oo khamiis ah soo xiganayey  afhayeenka Qaramada Midoobay Mr Steven Dugari ayaa baahiyey in Hay’ada qaramada midoobay u qaabilsan caafimaadka ee WHO iyo hay’adaha la shaqeeyaa ay heleen illaa 400 TON oo daawooyin ah iyo sodomeeyo gawaadhida gurmadka degdega ah ee Umblance-ka loo yaqaano.

 

 

Steven Dugari waxa kale oo uu sheegay inay Gobolada Xudeeda iyo Cadan gaadhsiiyeen daawooyin ku filan 10 kun oo qof.

Comments are closed