|

Qaramada Midoobay oo sheegtay inay heshay Xabaal-wadareedyada dad lagu laayay qalalaasaha ka socda dalka Koonfurta Suudaan

GENEVA Dec, 24 2013 (SDN/AP)- Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay gudaha dalka Koonfurta Suudaan ka heshay xabaal-wadareed ka kooban maydadka 75 qof, kuwaasoo lagu laayay qulqulatooyinka todobaadkii u dambeeyay ka socday dalkaas.

Madaxa Xuquuqda aadamaha Qaramada Midoobay Navi Pillay waxay war-murtiyeed ay maanta oo Salaasa ah soosaartay ku sheegtay in xabaal-wadareedka laga helay magaalada Bentiu oo ah gobolka ugu qanisan Saliidda ee gobolka Unity State.

Siday faafisay wakaalada wararka AP, Miss. Navi Pillay waxay sheegtay in ugu yaraan laba xabaalo-wareedyo kale ah sida la weriyay laga helay gudaha magaalada Juba oo ah caasimadda dalkaas.

Navi PillayWar-murtiyeedka xafiiska Xuquuqal-insaanka ee fadhigiisu yahay magaalada Geneva, wuxuu sidoo kale sheegayaa in maydadka laga helay Bentiu ay sida la sheegay kuwo ka soo jeeda qabiilka Dinka, ayna ku jiraan xubno ka tirsanaa jabhada SPLA oo haatan ah xisbiga talada dalkaas haya. Warbixintu waxay intaa ku dartay, in aanay caddayn cida masuulka ka ahayd dilka dadkaas.

Dhinaca kale, Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay heerka qulqulatooyinka iyo qalalaasaha ka socda dalka Koonfurta Suudaan, iyadoo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay sheegay inay qorshaynayaan sidii ciidamo nabad-ilaalineed ay QM u gayn lahayd dalkaas.

Dhawr maalmood ka hor, xukuumadda Juba ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Silva Kiir waxay sheegtay in inka badan 500 qof ku dhinteen rabshadaha socda.

Qalalaasaha siyaasadeed ee ka socda South Sudan, waxa ku lug leh oo iska soo horjeeda Madaxweynaha xilka haya, Mr. Silva Kiir iyo siyaasiga la yidhaahdo Riek Machar oo ahaa Madaxweyne ku-xigeenkiisa, ka hor intii aanu Madaxweynuhu shaqada ka caydhin bishii July ee sannadkan dabayaaqada ah ee 2013.

Qurbejoog.com, Geneva

Comments are closed