|

Qaramada Midoobay oo Sheegtay in Xukuumada Federaalka ka Caawinayaan La Dagaalanka Argagixisada

Nairobi 14.Feb 2014 (SDN)- Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka caawinayaan sidii looga hortagi lahaa weerarro argagixiso oo ka dhaca dalka, isagoo cambaareeyay qaraxii shalay ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Adan Cabdulle ee magaalada Muqdiho.

Ban Ki-moonBan Ki-Moon ayaa xusay in Qaramada Midoobay ay dowladda Soomaaliya gacan ka siinayso ka hortagga weerarrada ceynkan oo kale ah.

Wuxuu ka tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday qaraxa, isagoo kuwa dhaawaca ahna u rajeeyay caafimaad degdeg ah.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa u mahadceliyay shaqaalaha Qaramada Midoobay ee jooga Soomaaliya, wuxuuna u soo jeediyay inay sii wadaan dedaalkooda.

Nairobi SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed