|

Qaramada Midoobay oo Sheegtay in  Dad Gaadhaya 123 Kun Iyo Lix Boqol oo Ruux oo ka Tirsan Qoomiyada Rohinga ka qaxeen dalka Myanmar

New York 07. September 2017 (SDN/QJ):- Qaramada midoobay ayaa sheegtey in tirada Muslimiinta Rohingya ee ka qaxay dalka Purma ee u tallaabay dhinaca dalka Bangaladaash ay haatan marayaan Boqol iyo Saddex iyo Labaatan Kun iyo Lix boqol oo qof.

Qaramada midoobay waxa ay sheegty in afar iyo labaatankii saacadood ee ugu danbeeyey Todoba iyo Sodon kun oo Qaxoontiga  Muslimiinta Rohingya ay gaadheen dalka bangaladhaash.

Gobolka Raakhiin ee ku yaala Xuduudka Miyanmaar la wadaagto Bangaladhaash waa ka dhaca rabshado kooxaysan oo ay Kooxo Buudiyiin ahi kula kaceen dadka Muslimiinta Rohingyiinta ah kuwaasoo Muddo sanado ah lagu hayey dhibaateyn xoog leh takoorid.

Qaramada Midoobay waxa ciidanka Miyanmaar ku eedeysay inay gaysteen falal xadgudub ku ah bani’aadamada oo ay kula kaceen muslimiinta Rohingya ee laga tirade badan yahay.

Comments are closed